Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime ku-xigeenada guud, xisaabiye ku-xigeenka guud, Agaasime waaxeedada iyo Xisaabiyayaasha gobaladda.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd isbarasho ayaa la isku waydaarsaday sidii loo horumarin karo habsami u socodka shaqada, gaar ahaan dardar gelinta dakhliga Dowladda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ugu horayn Wasiirka warbixin ka siiyey habsami u socodka shaqada ayaa sheegay in wax weyn ay wasaaradda u qabsoomeen bilihii u danbeeyey, sanadkana ay u degan yihiin qorshalayaal lagu horumarinayo doorka Wasaaradda siiba kor u qaadista dakhliga.

Dhanka kale Agaasime waxeedada iyo Xisaabiyayaasha gobalada ayaa Wasiirka uga warbixiyey dadaalada shaqo ee ka socda gobaladda kala duwan iyo hiigsiga kor loogu qaadaayo dakhliga Dowladda.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland Maxamed Faarax Maxamuud oo shirka soo xiray ayaa dhammaan mas’uuliyiinta Wasaaradda ugu baaqay in ay muujiyaan dadaal dheeri ah qof walbana mas’uuliyada dheeri ah iska saaro sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga Dowladda, si ay Dowladdu ugu filnaato bixinta xaquuqaha kala duwan, ugana shaqayn lahayd horumarinta dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland