IMG_2889

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Golaha Baarlamaanka horgeeyay Miisaaniyadda 2025[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo  Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Gollaha Baarlamaanka hor geeyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2025.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka ayaa shir guddoomiyey kulankaasi oo ay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ku soo bandhigeen Miisaniyadda Dowladda ee Wasaaraddu soo diyaarisay.

Miisaaniyadda Dowladda ayaa lagu wareejiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland si ay usoo akhriyaan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Golaha usoo soo jeediyay khudbad ku aadan Miisaaniyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2861

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Bulxan ayaa kormeer shaqo ku tegey xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyada.

Xarunta dhexe, Wasiirka waxaa ku soo dhoweeyey Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi iyo mas’uulyiin kale.

Kulan uu shir guddoomiyey Wasiirku oo ay ka qayb galeen Agaasimayasha Waaxyaha Wasaaradda  ayaa lagu soo badhigay shaqooyiinka dar-dargelinta dakhliga ee horumarka laga sameeyey taasi oo uu Wasiirku bogaadiyey.

Kulanka intii uu socday sidoo kale waxaa lagu soo badhigay tallooyin ku aaddan horumarinta shaqada dakhliga iyo sidii loo xoojin lahaa.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa Agaasimayaasha waxyaha Wasaaradda kula dardaarmay xoojin shaqada iyo dardargelinta dakhlig.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2840

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Dhisme ka dhagax-dhigay Garoonka Diyaaradaha Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ay waheliyan Wasiir ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelanayso Wasaaradda oo laga hirgelin doono garoonka Diyaaradaha Garoowe.

Dhagax-dhiga dhismaha cusub ayaa waxaa goob-joog ka ahaa ah Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo Maamulka Garoonka.

Dhismahan ayaa waxaa u qeyb ka noqon doonaa xarumaha dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee Garoonka diyaadaha iyadoo baahi weyn loo qabay hir gelinta xaruntan

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2819

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u qabatay Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda Puntland[Sawirro]

GAROOWE –  Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Tababar u qabatay shaqaalaha Hay’adda Dowladda Puntland.

Tababarkan ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaana daah-furay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo ay ku weheliyeen Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Dowladda Puntland.

Tababarkan ayaa loo qabtay Agaasimayaasha waaxyaha maamulka iyo Maaliyadda, xisaabiyaàsha Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa banaan ee Dowlada Puntland.

Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda

ayaa Tababarkan ku qaadan doona xeerka Maamulka iyo Maaliyada Guud (PFM Act).

Cali Jaamac Gaashaan, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ahna kusimaha Xisaabiyaha ayaa shaqaalaha Wasaaradaha kula dardaarmay in ay tababarkaan si wayn uga faa’iidaystaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Axmed Jaamac Jawle ayaa hadal ka jeediyey halkaasi.

” …Tababarkan waxay Wasaaradu ugu talagashay dhammaan Wasaaraddaha dowladda iyo hayadaha madaxa bannaan ee dowladda bahwadaagtana la ah Wasaaradda Maaliyadda wana muhiim in siwayn looga faa’idaysto Tababarkan”

Sidoo kale Agaasimaha ayaa u mahadceliyay Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ee soo diyaariyey Tababarkan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2752

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Fariin mahadnaq ah u jeediyay Baarlamaanka Puntland.

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud.

“Aniga oo ku hadlaya afka Mas’uulyiinta kala duwan iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda waxaan Gudoonka iyo Guud ahaan Golaha Baarlamaanka uga mahad celinayaa uyeerida iyo isla xisaabtanka taasi oo laf dhabar u ah nidaamka Dawliga ah, ugana jawaabno dhammaan su’aalihii”

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2767

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo u mahadceliyay Baarlamaanka.

GAROOWE  – Agaasimaha Guud Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Axmed Jaamac Jawle oo kalmadiisii golaha Barlamaanka ugu mahadceliyey.

“Aad baan ugu mahadcelinayaa in Barlamaanka Dowladda Puntland aynoo yeeraan ka Wasaradd ahaan waxna nalaga waydiiyo , masuuliyadda aan u hayno Dawladda iyo Shacabka Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2765

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo su’aallo laga weydiiyay Maamulka Dhaqaalaha Dowladda[Sawirro]

GAROOWE – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhigan ayaa lagu falanqeeyey la xisaabtanka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland, iyadoo uu shirku ku salaysnaa qodobka 64-aad, farqaddiisa 17-aad ee Dastuurka Puntland, kaas oo awood siinaya Golaha in ay kormeeraan Golaha Xukuumadda.

Wasiirka Maaliyadda, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa Golaha hor keenay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan maamulka dhaqaalaha Dawladda, isaga oo sharaxaad ka bixiyay arrimaha dhakhliga, kharashaadka, xuquuqda shaqaalaha rayidka ah, qoondada caasimadda Garowe, lacagta horumarinta waxbarashada, canshuuraha, iyo ganaaxyada.

Wasiirka ayaa xusay in Wasaaradda Maaliyadda ay mudnaan gaar ah siisay dayactirka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka iyo buundooyinka, taas oo qayb weyn ka qaadatay fududeynta isu socodka dalka iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxa uu tilmaamay in mashruucyadani ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin horumarinta deegaannada iyo isku xirka gobollada Puntland.

Xildhibaannada ayaa Wasaaradda wax ka weydiiyay arrimaha xuquuqda shaqaalaha rayidka ah, ciidamada Dawladda, xuquuqda shaqaalaha, maalgelinta adeegyada bulshada, iyo hirgelinta qorshayaal lagu xoojinayo hufnaanta maamulka maaliyadeed.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay xooga saartay dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha iyo kor u qaadidda maalgashiga, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, beeraha, iyo kalluumaysiga. Wasiirku wuxuu sheegay in la hirgeliyay nidaamyo taageeraya ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, si loo dhiirrigeliyo shaqo abuurka, loona yareeyo ku-tiirsanaanta kaalmada dibadda.

Intaa kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa doodo iyo su’aalo ku saabsan warbixinta Wasiirka ku iftiimiyey muhiimadda ay leedahay joogteynta horumarka dhaqaalaha, xoojinta nidaamka dakhliga gudaha, iyo yareynta kharashaadka aan muhiimka ahayn.

Golaha Wakiillada Puntland ayaa kulanka ku soo gabagabeeyey talooyin ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta nidaamyada maaliyadeed ee Dawladda Puntland, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo horumar waara.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2734

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo hortagaya Gollaha Baarlamaanka Puntland[Sawirro]

GAROOWE –  Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda ayaa maanta hor tegey Gollaha Baarlamaanka Dowladda Puntland.

La soco Faah-faahinta!

Read More
IMG_2708

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Dhagax-dhiga Bangiga Dowladda Laantiisa Qardho[Sawirro]

QARDHO – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo hawlo shaqo u joogay magaalada Qardho ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Bangiga Dowladda Laanta Qardho.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo mas’uuliyiinta Bankiga Dowladda ayaa ka qaybgalay dhagax dhiga dhismaha Bangiga.

Xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa horay ugu guulaystay dhismaha Bangiyada Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo halka dhismaha laanta Qardhana la dhagax dhigay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2658

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Sheegay in kor loo qaaday u adeegida iyo soo dhaweynta Ganacsatada Puntland[Sawirro]

BOOSAASO – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kor u qaaday u adeegida ganacsatada Puntland ee badeecadaha kala soodega kana dhoofiya Dekadda Boosaaso.

Kor u qaadida shaqooyinkan ay qabtaan shaqaalaha Wasaaraddu ee cashuurista badeecadaha ayaa timid ka dib markii ay Dekeda si xoogan ay u imaanayaan Doonyaha iyo maraakiibta wada badeecado kala duwan una baahan in loo fududeeyo cashuurista badeecadaha ay wadaan gaadiidka badu.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo la hadlay Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in kor loo qaaday u adeegida iyo soo dhowaynta ganacsatada.

“Ilaahay baa mahadi u sugnaatay, inoona suurta geliyey in ay si xawli ah dekedda boosaaso ku shaqayso waana dadaalkii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ee dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, ka Wasaaradd ahaana waxaa naga go’an soodhowaynta ganacsatada iyo in loo fududeeyo cashuurista badeecadahooda,dekedduna u diyaarsan tahay soo dejinta Kunteenarada

Wasiirka ayaa yiri”

Wasiirka ayaa sidoo kale ku amaanay doorka Wasaaradda Dekeddaha hagida doonyaha iyo maraakiibta iyo wada shaqaynta Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu dambayntii Wasiirka ayaa bulshadda Puntland ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta si dowladduna uga shaqayso horumarinta adeegyada dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More