Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Sheegay in kor loo qaaday u adeegida iyo soo dhaweynta Ganacsatada Puntland[Sawirro]
BOOSAASO – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kor u qaaday u adeegida ganacsatada Puntland ee badeecadaha kala soodega kana dhoofiya Dekadda Boosaaso.
Kor u qaadida shaqooyinkan ay qabtaan shaqaalaha Wasaaraddu ee cashuurista badeecadaha ayaa timid ka dib markii ay Dekeda si xoogan ay u imaanayaan Doonyaha iyo maraakiibta wada badeecado kala duwan una baahan in loo fududeeyo cashuurista badeecadaha ay wadaan gaadiidka badu.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo la hadlay Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in kor loo qaaday u adeegida iyo soo dhowaynta ganacsatada.
“Ilaahay baa mahadi u sugnaatay, inoona suurta geliyey in ay si xawli ah dekedda boosaaso ku shaqayso waana dadaalkii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ee dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, ka Wasaaradd ahaana waxaa naga go’an soodhowaynta ganacsatada iyo in loo fududeeyo cashuurista badeecadahooda,dekedduna u diyaarsan tahay soo dejinta Kunteenarada
Wasiirka ayaa yiri”
Wasiirka ayaa sidoo kale ku amaanay doorka Wasaaradda Dekeddaha hagida doonyaha iyo maraakiibta iyo wada shaqaynta Wasaaradda Maaliyadda.
Ugu dambayntii Wasiirka ayaa bulshadda Puntland ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta si dowladduna uga shaqayso horumarinta adeegyada dalka.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland