Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda oo xariga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda degmada Eyl[Sawirro]

EYL – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa Agaasimaha Guud ku wehelinayey Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ahna Ku-xigeenka Xisaabaha, iyadoo ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen maamulka degmada Eyl, xisaabiyaha gobolka Nugaal, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Intii ay munaasabadda socotay, qaar ka mid ah masuuliyiinta ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda weyn ee xaruntani u leedahay degmada Eyl, gaar ahaan dhinaca horumarinta maamulka iyo kobcinta dakhliga gudaha. Waxay sheegeen in xaruntani ay fududeyn doonto adeegyada maaliyadeed, isla markaana ay sare u qaadi doonto hufnaanta iyo isla xisaabtanka maamulka dakhliga.

Masuuliyiintu waxay si gaar ah u bogaadiyeen Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo hoggaankeeda sare, dadaalka ay ku bixiyeen sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada maaliyadeed dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Furitaanka xaruntan cusub ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee Wasaaradda Maaliyaddu ku dooneyso in la xoojiyo hanaanka maaliyadeed ee dowladnimo, laguna gaaro adeeg hufan oo u dhow shacabka Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Axmed Jaamac Jowle, ayaa xusay:

“Waxaan si weyn ugu faraxsanahay in aan maanta furo xarunta cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Eyl. Xaruntani waa tallaabo muhiim ah oo ka tarjumeysa himilada Wasaaradda ee ah in adeegyada dowladda laga hirgeliyo dhammaan degmooyinka Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland