Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga W/Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay dardargelinta dakhliga oo lagu qabtay Xarunta dhexe ee Dakhliga.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Liibaan Cismaan, Madax qaybeedyada iyo Shaqaalaha dakhkiga Wasaaradda.

Intii uu socday kulankan Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga ayaa madaxda iyo shaqaalihii kulankan ka qayb galay la wadaagay fulinta qorshayaasha Saddexda bilood ee soo socota iyo sidii loo samayn lahaa dardargalinta dakhliga xoogana la saaro Cashuuraha Beriga.

Kulanka Wax yaabaha kale ee looga hadlay waxaa ka mid ahaa in la samayn doono qiimayn ku aadan goobaha dakhliga iyo shaqooyinka socda ayna dhici doonaan isla xisaabtan dhanka shaqada ah.

Ugu dambayn Agaasimaha ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Dakhliga uga mahad celiyey shaqooyinka ay dalka iyo dadkaba u hayaan balse laga sugaayo dakhligii dalka lagu hormarin lahaa.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland