Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Howlo shaqo ku tagay magaalada Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jawle ayaa hawlo shaqo maanta u gaaray magaalada Boosaaso.

Agaasimaha ayaa waxay halkaas ku kulmeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil oo horay Boosaaso ugu sugnaa.

Agaasimaha Guud safarkan waxaa ku weheliyey Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, waxaana uu halkaasi  kula kulmay Maamulka Kastamka Kontaroolka Boosaaso oo uga warbixiyay shaqooyinka dakhliga.

Wasiirka iyo Agaasimaha ayaa boggaadiyey shaqooyinka ay hayaan shaqaalaha Wasaaraddu,waxana ay ku dhiiri geliyeen in ay muujiyaan dadaal intaas ka sii badan oo dakhliga kor loogu qaadayo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland