Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekadda Boosaaso[Sawirro+Video]

BOOSAASO – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jawle oo uu weheliyo Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa kormeer shaqo ku tagey Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay dekadda Boosaaso.

Kormeerka Agaasimayaasha waxaa ku weheliyey Maamulaha Furadda Boosaaso, Kusimaha Agaasimaha Furdooyinka, Garyaqaanka Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale.

Agaasimaha ayaa booqday xafiisyada Wasaaradda ee ay ka socdaan Cashuurista badeecadaha ay wadaan Doonyaha iyo Maraakiibta ku xiran Dekadda, waxana uu shaqaalaha kula dar-daarmay dar-dar gelinta dakhliga.

Click here to display content from YouTube.
Learn more in YouTube’s privacy policy.

Agaasimaha ayaa sidoo kale la kulmay taliyaha iyo saraakiisha ciidanka dekadda Bossaso ugana mahad celiyey shaqada ay bulshada uhayaan ee amniga.

Axmed Jaamac Jawle, Agaasimaha Guud iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda

ayaa booqday halka ay ka socoto shaqooyinka ballaarinta dekadda Boosaaso.  Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland