Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa kulan guud la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka Agaasimaha Guud waxaa ku weheliyey Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud, Agaasime guud ku xigeenka Maamulka iyo Agaasimayaasha Waaxyaha.

Kulanka ayaa ahaa mid shaqaalaha lagu ogaysiinayey in Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha HR-ka Wasaaraddu ku guuleystay hirgelinta hannanka cusub ee xaadiriska lagana hirgaliyay guud ahaana xarumaha Wasaaradda.

Nidaamkan ayaa ah mid casri ah waxana uu shaqaalaha ufudayn doonaa shaqo galka, in ay Fasaxyada ku dalbadaan, in ay Madaxda sare kula xiriiri karaan, waxana uu Nidaamkani dabagal ku samayn doonaa shaqaalaha shaqo daayac ah ee aan gudan waajibadkii shaqo.

Agaasime Guud Kuxigeenka Maamulka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in nidaamkan shaqo galka uu yahay mid casri ah oo online ah loona baahan yahay dhaqan galintiisa.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyey Nidaamka casriiga ah, shaqaalaha Wasaaraddana ku ku booriyey dadaal deeri ah waxana uu si gaar ah u xusay Intii uu socday kulankan in ay uu mahad celinaayo Shaqaalaha dakhliga soo saara oo sameeyey dadaal dheeri ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland