Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Khamiislaha ah ee shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir gudoomiyey kulanka khamiis lah ee horumarinta shaqada Wasaaradda.

Agaasimaha shirkan waxaa ku weheliyey Agaasime Guud ku xigeenka Dakhliga, ku xigeenka Agaasimaha guud ee Maamulka iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.

Shirkan ayaa looga hadlay dhamaystirka qorshayaasha guud ahaan dakhliga, gaar ahaan qorshaha dakhliga cashuuraha ee bilaha Oct,nov iyo dec, iyo sidii loo xoojin lahaa cashuuraha ku waajibay Shirkadaha wawayn sida Bangiyada, Shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay, shirkadaha dhismaha, shirkadaha logistics ,shirkadaha adeegyada hotels ka bixiya iyo shirkadaha qaata qandarasyada laga fulinayo Puntland.

Ugu Dambayn shirkan ayaa dhammaan ganacsatada iyo shirkadaha ka hawlga Puntland looga codsaday in ay la shaqeeyaaan saraakiisha qaabilsan cashuuraha una fududeeyaan gudashada waajibadkooda shaqo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland