Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo shir la qaatay Agaasimayaasha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jawle ayaa shir Guddoomeyey kulanka todobaadle ah ee Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Kulanka ayaa ku aadanaa fulinta qorshayaasha Wasaaradda Maaliyadda waxyaabihii u qabsoomay shaqooyinka u qabsomi waayay iyo qorshaynta arrimaha dakhli iyo maamul ee hor yaal.

Kulankan ayaa ah todobaadle waana mid warbixino lagu soo bandhigo lana ogaado fulin wixii ka soo baxay todobaadkii la soo dhaafay, waxaana madaxda sare ee Wasaaradda loo gudbinayaa warbixin gud oo bille ah.

Mudane Axmed Jaamac Jawle, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa agaasimayaasha ku boggaadiyey shaqooyinka hortabinta leh ee horumarkana laga sameeyey loona baahan yahay in la sameeyo dadaal dheeri ah.

Waxaa xusid mudan tan iyo markii uu Xafiiska la wareegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jawle in uu xooga saaray dar’dar galinta dakhliga iyo sixida shaqada Wasaaradda.


Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland