Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo Shir Guddoomiyey Kulanka Todobaadlaha ee Horumarinta Shaqada[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka Todobaadlaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Agaasimaha kulanka waxaa ku weheliyey Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi, Agaasime guud ku xigeenka Maamulka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda.

Agaasimayasha waaxyaha ayaa Agasimaha guud u soo bandhigay xogo ku aadan shaqooyinkii horay loo waday halka ay marayaan, guulaha laga gaaray iyo sidii loo xalin lahaa caqabadaha jira.

Shirkan Todobaadlaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda ayaa intiisa badan looga hadlay dardargalinta canshuuraha iyo kor uqaadida dakhliga gudaha.

Sidoo kale shirkan ayaa looga hadlay Tayeynta shaqalaha iyo Shaqada, dhamaystirka qorshayaashii shaqo ee sanadkan dhammaadka ah ee 2023.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Agaasimayaashii Shirka ka soo qayb galay ku ammaanay hufnaansho shaqo waxana uu ku booriyey in kor loo qaado wada shaqaynta lana abuuro ilo dakhli.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland