Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka khamiis laha ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimaha Guud, kulanka waxaa ku weheliyey Agaasime guud kuxigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi, Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Maamulka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dardargalin lahaa cashuuraha Gaadiidka ee dhammaan gobolada, waxaana la bilaabay cashuuraha saddex bilooda gaadiidka, waaxana la qorsheeyey in Kor u qaadis lagu sameeyo cashuuraha Berriga guud ahaan.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay soo koobista Waxqabadkii saddex biloodka Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshayaasha Wasaaradda shantii sanoba mar la dejiyo (Strategic planning).

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland