Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada iyo Dakhliga[Sawirro]
BOOSAASO – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay hormarinta shaqada iyo dardargelinta dakhlig gobolka.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Maamulaha cashuuraha beriiga, Agaasime Ku-xigeenka Furdooyinka, Mas’uulyiin ka tirsan
internail auditka Wasaaradda iyo saraakiisha ilalada canshuuraha.
Mas’uuliyiinta Kulanka ka qaybgalay ayaa Agaasimaha guud la wadaagay shaqooyiinka socda, Guulaha laga gaaray iyo caqabadaha jira ee ubahan in la xaliyo.
Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa masuuliyiinta internail auditka Wasaaradda faray in ay siiwadaan baarista sax naashaha Dakhliga maalinlaha ah ee soo xerooda ayna muujiayaan dadaal dheeri.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa Mas’uuliyiinta Cashuuraha beriga iyo saraakiisha ilaalada cashuuraha ku booriyay in muhimada la saaro kor uqaadida dakhliga cashuuraha berriga oo ah mid muhiim u ah dakhliga dalka lana abuuro ilo dakhli oo kale
Ugu danbayn shirkan ayaa lagu kala qaatay awaamiir ku aadan xoojinta shaqada iyo kor uqaadida dakhliga.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland