Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda, kaas oo looga hadlay kor uqaadida dakhliga, xoojinta wada-shaqeynta u dhaxaysa Ciidanka Ilaalada Cashuuraha iyo Wasaradda Maaliyadda.

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Booliska Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga,Taliyaha Hoggaanka Ciidamada ilaalada, Agaasimayaasha waaxyaha dakhliga iyo Taliyayaasha Ciidamadda ilaalada canshuuraha ee gobolada.

Ujeeddada shirkan ayaa ahaa in la dardargeliyo canshuuraha berriga lana xoojiyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Ciidanka Ilaalada Canshuuraha iyo shaqaalaha kastamyada, si loo sugo nidaamka dakhliga isla markaana loo xaqiijiyo in aan kastamada aysan ka gudbi karin gaadiid aan bixin canshuurtii ku waajibtay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Axmed Jaamac Jowle, ayaa kulanka ka sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu mar walba ka go’an tahay inay si buuxda ula shaqeyso ciidamada ilaalinta dakhliga. Waxana uu tilmaamay in masuuliyadda shaqada ay tahay mid wadajir ah, balse ciidamada looga baahan yahay in ay si gaar ah u gutaan waajibaadkooda, iyadoo Wasaaraddu diyaar u tahay in ay daboosho wax kasta oo shaqooyinka dakhliga lagu hormarinaayo.

Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Dowladda Puntland ayaa sheegay in ay diyaar u uyihiin in ay garab istaagaan Wasaaradda Maaliyadda si loo helo dakhligii dalka lagu hormarin lahaa.

Ugu dambayntii  Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa sheegay in masuuliyad guud ay wada saaran tahay Wasaaradda iyo Ciidamada, loona baahan yahay in qof walba si daacad ah u guto waajibaadka shaqo ee saaran.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland