Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay shirka Todobaadlaha ee Wasaaradda[Sawirro]


GAROOWE- Shirkii Todobaadlaha ah ee Agaasimayaasha Wasaradda Maaliyada Dowladda Puntland ayaa maanta looga hadlay qodobo si wayn diirada lagu saaray, waxaana ka mid ahaa: –

01. Kicinta canshuuraha berriga ee gobolada si dowladduna u gudato Waajibaad keeda shaqo ee dalka,
02. In Bangiyada,Hay’adaha Maxaliga ah iyo ku Caalamiga, shirkadaha qandaraaslayaasha iyo shaqsiyaadka gaadiidka iyo guryuhu u kiraysan yihiin ee cashuurdiidka ah in talaabo laga qaado.
03. Dhamaystirka diyaarinta Miisaaniyadda 2024 iyo Diyaarinta qorshayaasha wixii u qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda Jan ilaa Sep 2023.

Dhammaan qodobada shirkan looga hadlay ayaa la isla qaatay meelmarintooda, waxana uu shirkan ku soo dhammaaday si guul ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulankan, waxaana ku weheliyey Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi iyo Agaasime guud Kuxigeenka Maamulka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland