Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir la qaatay Agaasimayaasha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah oo ay ku kala war-qaataan Agaasimayaasha Wasaaraddu.

Kulankan ayaa looga hadlay guulaha laga gaaray shaqooyinkii la qabtay iyo kuwa qabyada ah ee dhowaan la hirgelin doono ayna ka mid yihiin –
01. In hirgelinta hannanka shaqo xaadiriska shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee guud ahaan gobolada Puntland oo maraaya heer gabo gabo ah.
02. Ololaha cashuuraha berriga oo maraya heer wanagsan laguna guulaystay in la hirgeliyo canshuuraha gaadiidka, guryaha kiraysan ee hayadaha caalamiga, shirkadaha Qandaraaslayaasha iyo kuwa maxaliga ah
Iyo sidii loo dhamaystiri lahaa fulinta xeerarka iyo shuruucda cashuuraha berriga iyo sidii loo hirgelin lahaa.

Agaasimaha Guud oo shirkan ka hadlay ayaa u mahadceliyey ganacsatada Puntland sida wanaagsan ee ay cashuuraha u bixiyaan, kana codsaday in ay ku dhiiradaan in ay si iskood ah u bixiyaan dhammaan cashuuraha ku waajibay si loo daboolo baahiyaha horumarka ka socda Puntland uguna horeeyaan kaabayaasha dhaqaalahu.

Waxaa xusid mudan in Shirkan Agaasimaha guud ku weheliyeen Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland