Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo shir la yeeshay Madax-qaybeedyada iyo shaqaalaha[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Abdirisak Dirie ayaa maanta shir la yeeshay Madax Qaybeedyada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ahaa Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Maamulka, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda iyo Mas’uulyiin kale.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo dar-dar galin kahaa hannaanka shaqada Wasaaradda iyo sidii wada shaqeyn dhow ay u wadada yeelan lahaayeen mas’uuliyiinta iyo madaxdoodu.

Mudaadi u shirku socday ayaa lagu soo badhigay qaabka shaqadu ay u socto waxaana halkaasi lagu soo badhigay talooyin shaqada lagu horumarinayo gaar ahaan Xafiisyada Wasaaradda ee gobolada.

Ugu danbayntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa shaqaalaha uga mahad-celiyay qaabka shaqada ay u wadaan,waxaana uu u sheegay in loo baahan yahay hannaanka shaqo ee Bulshada loo hayo xilwayn la iska saaro.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland