Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Dowladda oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Dakhliga Wasaaradda ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Dowladda Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay waheliyaan Agaasime Guud ku xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi iyo Agaasime guud kuxigeenka Maamulka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey dhismaha cusub xarunta Dalkhliga ee Wasaaradda Maaliyadda ee Garoowe.

Booqashadan ayaa ku aadanayd kadib markii shaqaalaha Dakhliga Wasaaradda Maaliyaddu ay si toos ah shaqooyinkoodii ay uga bilaabeen xarunta Cusub kana soo guureen xarumihii ku meel gaar ka ahaa ee ay ku shaqayn jireen.

Dhismahan ayaa ah mid lagu hirgaliyay isku tashi iyo cashuurtii shacabka laga qaaday waxaana dhawaan xariga ka jaray Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland