Agaasime Guud Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo daahfuray Kulanka Diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda Puntland 2024[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime Guud Kuxigeenka Maamulka Wasaradda Maaliyadda Puntland Cabdiraxmaan Yusuf Cigaal ayaa maanta daah-furay kulanka diyaarinta Miisaniyadda Dowladda Puntland 2024-ka.

Agaasimaha kulankan tashiga Miisaaniyadda waxaa ku weheliyay agaasimaha waaxda miisaaniyadda Cabdisamad Cawad Cismaan, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal Mukhtaar Cabdi Faarax iyo gudiga Diyaarinta Miisaaniayadda Sanadka 2024.

Kulanka ayaa mudada u socday waxaa looga hadlay sidii loo dar’dar galin lahaa shaqada diyaarinta ee miisaaniyadada ee ku muujisan shaxda (Budget calender) ee halkaasi lagu soo bandhigay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland