Agaasime Kuxigeenka Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la yeeshay Madaxda Dakhliga ee Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime Kuxigeenka Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa kulan la yeeshay Madaxda Dakhliga ee Wasaaradda.

Shirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Agaasimayaasha Waaxyaha Dakhliga iyo Madax-qeybeedyada Dakhliga oo ay ka mid yihiin Cashuuraha Berriga, Furdooyinka iyo Deeqaha Dibadda.

Kulankan ayaa intii u socday waxaa looga dooday sida dakhliga loo dardargalin lahaa iyo qorshayaasha dakhliga uyaala inta sanadkan ka hartay guulo wax ku oolana looga gaari lahaa.

Agaasime Kuxigeenka Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa Agaasime waaxeedyada iyo Madax-qeebeedyada ka dhageystay warbixinadooda meesha ay wax u marayaan iyo sidii loo gaari lahaa ku tala galka Miisaaniyadda Dowladda Puntland 2024.


Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland