1 (9)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Xariga ka Jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda gobolka Mudug(Sawirro)

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa soo qabanqaabiyey Xafiiska Xisaabiyaha Gobolka Mudug, oo uu hoggaamiyo Mudane Ismaaciil Cabdinuur Geesay, kaas oo faahfaahin ka bixiyey habka loo dhisay xarunta cusub, baahiyaha jira iyo sida dhismahan casriga ahi u kordhinayo tayada adeegyada Wasaaradda. Waxa uu uga mahadceliyay Wasiirka Maaliyadda sida uu u garab istaagay hirgelinta mashruucan muhiimka ah.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaasha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, Gudoomiyasha Degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, masuuliyiinta Garsoorka,masuuliyiinta Dowladda Puntland ee gobolka, Nabadoonada iyo Ururka haweenka

Madaxda ka hadlay munaasabadda furitaanka, ayaa si weyn u bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda doorka muhiimka ah iyo shaqada ay ka hayso horumarinta dakhliga iyo maamulka Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa dhankiisa ku ammaanay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda dadaalka ay muujiyeen, isagoo xusay in horumarka la gaadhay uu yahay mid ku imanaya wada-shaqayn, isla xisaabtan iyo maamulka hufan. Wasiirku wuxuu adkeeyey in aan wax horumar ahi suurtagal noqon karin la’aanta nidaam maamul iyo shaqo wadajir ah, sigaara Wasiirku wuxuu ugu mahadceliyay Xisaabiyaha Gobolka Mudug Ismaaciil C/nuur Geesey uu ku tilmaamay masuul hawlkar ah Wasaaraddana kusoo kordhiyay hormar balaaran.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ay ka go’an tahay hirgelinta dhismaha hay’adaha Dowladda taas oo qayb ka ah siyaasadda guud ee Madaxweynaha ee lagu horumarinayo adeeggada dowliga ah.

Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay wado mashaariic dhisme oo kale duwan oo ka socda xarumo kala duwan oo Wasaaradda ah iyadoo horay u hirgelisay dhismayaal kale oo muhiim u ah shaqada Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Gobolka ayaa bilad sharaf gudoonsiiyay Shirkadda Tawer oo hirgalisay dhismahaan.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
1 (14)

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u furay Shaqaalaha Wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsiga(Sawirro)

GAROOWE – Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Abdiqaadir Axmed Xaashi uuna weheliyo Agaasimaha waaxda Cashuuraha beriga Cabdulqaadir liibaan ayaa maanta daah-furay tababar loo qabtay 22 shaqaale ah kana hawlgala Wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsiga.

Ujeeddada tababarkan ayaa ah in la xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha ka shaqeeya arrimaha canshuuraha, waxaana uu salka ku haya fahamka xisaab-xirka dakhliga, habraacyada canshuur ururinta iyo sida saxda ah ee ay shaqaaluhu ula macaamilayaan ganacsatada marka ay soo gudbinayaan xisaab-xirkooda.

Agaasimaha Guud ku-xigeenka Dakhliga ayaa ku boorriyey shaqaalaha ka qaybgalaya Tababarkan in ay si buuxda uga faa’iideystaan kana dhaliyaan aqoon wax ku biirin doonta tayeynta adeegyada canshuuraha iyo kor u qaadidda dakhliga dowladda.

Tababarkan waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Maaliyadda waxaana lagu qabtay Jaamacadda PSU ee Garowe.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
1 (1)

Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland oo Ansixiyay Qabyo-qoraalka Miisaaniyadda Sannadka 2026(Sawirro)

GAROOWE – Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa maanta ansixiyay Qabyo-qoraalka Miisaaniyadda Sanadeedka 2026,

Fadhiga Golaha waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha.

Ajandaha fadhigan waxa uu ahaa ka shaqaynta Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, oo saldhig u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed iyo adeegyada aasaasiga ah ee Dowladda Puntland.

Ugu dambeyntii Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyay Ansixinta Qabyo-qoraalka Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, waxaana oggol u codeeyay 43 mudane, waxa diiday 1 mudane, halka 1 mudane uu ka aamusay.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland uga mahadceliyay Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2026.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
1 (15)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo la Kulmay Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa xarunta Golaha Baarlamaanka kulan kula yeshay Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland

Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir ku-xigeenka Maaamulka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tiraan Wasaaradda.

kulankan intii uu socday mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa guddiga la wadaagay xog ku aadan miisaaniyadda, iyagoo ka jawaabay su’aalo muhiim ah oo ay xildhibaannadu ka weydiiyeen ajandaha.

Ugu dambeyn, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaaradda sida ay uga soo qeyb galeen kulanka, iyo doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan diyaarinta miisaaniyadda sannadka 2026.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
1 (15)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Baarlamaanka horgeysay Miisaaniyadda sannadka 2026[Sawirro]

GAROOWE –  Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland uuna hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Golaha Baarlamaanka horgeeyay Miisaaniyadda sanadka 2026.

Kulanka Golaha waxaa Shir guddoomiyey

Guddoomiyaha Golaha Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid uuna weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud.

Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Wasaarada Maaliyada ayaa Golaha ka hor Jeediyey Miisaaniyadda Sanadeedka 2026 ee Wasaaraddu soo diyaarisay.

Golaha oo dhageysatay hadal jeedintii Wasiirka ee Miisaaniyadda 2026 ayaa ugu dambeyntii lagu wareejiyay Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland, si ay u dhammaystiraan akhrinta,dibna ugu soo celiyaan Golaha 4 December 2025.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
IMG_6594

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Dardargelinta Shaqooyinka iyo Dib u habeynta Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay dardar-gelinta shaqooyinka Wasaaradda iyo dib-u-habeynta shaqaalaha.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirudowlaha Wasaaradda, Wasiir-ku-xigeennada Wasaaradda, Agaasimaha Guud, Agaasime Guud Ku-xigeenka Maamulka,

ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda,

Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimeyaasha waaxyaha, Madax qaybteeda Wasaaradda iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dib-u-habeynta shaqaalaha iyo

sidii loo xoojin lahaa shaqada Wasaaradda korna loogu qaadi lahaa hawlaha mudnaanta u leh qorshayaasha horumarineed ee Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyay waxyaha kale duwan  ee Wasaaradda shaqoyinka ay hayaan isaga oo xusay in loo baahan yahay in la sii kordhiyo dadaalka si loo xaqiijiyo qorshaha Wasaradda lagu hormarinayo.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_6566

Gollaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee Sannadka 2026[Sawirro]

GAROOWE – Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyas CismanLugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland.

Shirkan oo todobaadkan lasoo horumariyay wakhtigii horay loo qaban jiray ayaa looga hadlay Amniga guud iyo Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2026.

Miisaaniyadda 2026 ayaa waxaa soo diyaariyey Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminaayey Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud.

Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2026 , taasi oo dhan $315, 783, 344 . Miisaaniyadda Sanadka waxay korortay 16%.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_6548

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada[Sawirro]

GAROOWE- Wasiir Ku-xigeenka Maaamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa  shir guddoomiyay kulan looga hadlay horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ahan Ku-xigeenka, Agaasimaha Guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda iyo madax qaybteeda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda

ayaa warbixin dhammaystiran oo ay soo diyaariyeen Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda la wadaagay Wasiirku xigeenka Maamulka.

Wasiirka ayaa bogaadiyey habsami u socodka shaqada Wasaaradda Maaliyadda waxana uu faray in la muujiyo dadaal dheer ah oo ku aadan dhanka shaqada.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_6520

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntkand oo Boggaadiyay Hirgelinta Maxjarka Cusub ee Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa ka qayb galay daah-fur loo sameeyey Maxjar Cusub oo laga hirgeliyey Magaalada Boosaaso.

Maxjarkan oo loo bixiyay Shaakir International Veterinary Quarantine Company ayaa furitaankiisa waxaa ka qayb galay xubno ka tiran Golaha Wasiirada, Ganacsato, Dhakhaatiir iyo masuuliyiin kale oo ka tiraan Dowladda Puntland.

Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyey hirgelinta Maxjarkan Cusub waxana uu sheegay in laga helidoono shaqo abuur dalkana uu soo gelin doono dhaqaale.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_6500

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaraddu ku leedahay Dekeadda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane  Maxamed Faarax Maxamuud oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay kastamka Wasaaraddu ku leedahay Dekeda.

Kormeerkan Wasiirka waxaa ku weheliyey Wasiirka wasaarada dekeddaha iyo gaadiidka badda DPL,Wasiirka Ganacsiga,Wasiirka Xanaanada xoolaha, Maamulaha furdooyinka gobalka Bari ,Taliyaha Dekedda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Maamulaha furdooyinka gobalka Bari Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka la wadaagay xogta shaqooyiinka socda, Heerka dakhliga dalk iyo Badeecaddaha ka soo dega kana dhoofa Dekeda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo  ugu dambayna booqday Xafiisyada iyo goobaha kale ee shaqada ayaa bogaadiyey habsami u socodka shaqada iyo habka loogu shaqaynaayo bulshada Cashuur bixiyaasha.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More