Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime ku-xigeenada guud, xisaabiye ku-xigeenka guud, Agaasime waaxeedada iyo Xisaabiyayaasha gobaladda. Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd isbarasho ayaa la isku waydaarsaday sidii loo horumarin karo […]

Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland oo xilalka u kala Wareejiyay Wasiirkii hore iyo Wasiirka cusub ee Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, waxaana xilka lagu wareejiyey Wasiirada cusub ee Wasaaradda oo u hoggaaminayo Wasiir Maxamed Faarax Maxamud. Xafladda waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud […]

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo u Hambalyeeyay madaxda cusub ee Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa u hambalyeeyey Wasiirada Wasaaradda Maaliyadda ee xilka loo dhaariyey. Mudane Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha Guud oo ku hadlay afka Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda ayaa sheegay in ay Madaxda cusub ku soo dhoweynayaan Wasaaradda ilaahayna uga baryayaan in xilka loo igmaday uu […]

Madaxda cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo maanta loo dhaariyay xilka Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa loo dhaariyay xilka Wasaradda Maaliyadda. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ayaa goob joog ka […]

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Boggaadiyay Shaqooyinka la qabtay Todobaadkan[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka Toodbaadlaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda. Kulankan ayaa Agaasimayasha Wasaaradda Maaliyaddu waxaa ay ku soo bandhigeen shaqooyinka la qabtay ee guulaha laga gaaray iyo kuwa dhiman ee ay wadaan si loo hirgeliyo. Intii shirkaasi socday waxaa si […]

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda. Kulanka ayaa Wasiir Dhabancad wuxuu ku la dardaarmay hawl wadeenada Wasaaradda in ay isku dubba ridaan xil wareejinta si xog dhammeystiran loogu wareejiyo Wasiirka cusub Mudane Maxamed Faarax iyo kuxigeenadiisa. Intii shirkaasi socdey ayaa la kala qaatay […]

Qaban-qaabada Xafladda Wasiirka Maaliyadda oo si habsami leh uga socota xarunta Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ayaa u soo magacabay Wasaaradda Maaliyadda Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamud. Magacabista Wasiirka Wasaaradda kadib Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa shir isugu yeeray agasimayaasha waaxyaha iyo Madax qaybeedyada waxana uu kala hadlay udiyaar garowga xaflada Xilwareejinta Wasiirka Cusub Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo […]

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda. Shirkan waxa ka soo qayb galay Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi, ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane Cali Jaamac Gaashaan iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda iyo Madax […]

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay koox baaris ku sameynaysa mashaariicda World Bank ee PL[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda ku qaabilay koox baaris ku samayn doona habka loo fuliyey mashaariicda Bangiga Adduunnka ka fuliyey Puntland. Shirkan waxaa ka soo qayb galay Kuxigeenka Hantidowrka Puntland, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Madax ka socotay Shirkadda PKF […]

Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxda Bangiga oo ka shiray sidii Laanta Bangiga looga hirgelin lahaa Galdogob[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cali Cumar caarshe oo ay waheliyaan Agaasimiyaasha Bangiga Dowladda Puntland ayaa maanta ku shiray xarunta Bangiga Dowlada Puntland. Ujeedada shirkan ayaa ahaa sidii Laanta Bangiga ee Degmada galdogob looga hirgalin lahaa loona xoojin lahaa wada shaqaynta Wasaaradda Maaliyadda ee Xafiiska Galdogob. Laanta bangiga ee […]