1 (27)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo u kuur gelaya habsami u socodka shaqada Wasaaradda Maaliyada ayaa maanta kormeer ku tagey xarumaha dakhliga.

Xarunta dakhliga oo dhawaan shaqo bilowday ayaa Agaasimuhu halkaasi kula kulmay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda, isaga oo mid mid u booqday xafiisyada kala duwan, wuxuuna shaqaalaha iyo madaxdaba kula dardaarmay inay sii labba jibaaraan shaqooyinka kaladuwan gaar’ahaan dardargelinta dakhliga.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa sidoo kale kormeer shaqo ku tagey kantaroolada Laacdheere iyo Bixin ee magaalada Garowe, isaga oo shaqaalaha goobahaas ka hawlgala iyo ciidamada ilaalada cashuuraha faray inay adkeeyaan ilaalinta cashuurta Dowladda.

Kormeerkan shaqo ee Agaasimaha waxaa ku weheliyey Agaasime ku-xigeenka Waaxda Furdooyinka, Xisaabiyaha gobalka Nugaal iyo maamulayaasha dakhliga gobalka Nugaal.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (15)

Agaasime Guud Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kormeer ku sameeyay xarumaha Wasaaradda ee Gobolada Karkaar,Bari iyo Sanaag[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasime Guud Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal ayaa Kormeer guud ku sameeyay xarumaha Wasaaradda ee Gobolada Karkaar, Bari iyo Sanaag.

Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa kor u qaadida hannaanka maamulka iyo tayaynta shaqada Wasaaradda Maaliyadda ee gobolada Dowladda Puntland.

Agaasimuhu intii uu Kormeerkan shaqo ku guda jiray waxaa uu la kulmay Madaxda iyo shaqaaalaha ka howlgala xarumaha Wasaaradda,waxana uu heley warbixino la xiriira shaqooyinka socda, waxana uu kula dardaarmay in ay gutaan waajibaadka saaran ee shaqo.

Ugu Danbayn Agaasime Guud Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal ayaa Bulshada Puntland ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay si dowladduna u gudato Waajibaad keeda shaqo ee dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More