Agaasime Guud Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kormeer ku sameeyay xarumaha Wasaaradda ee Gobolada Karkaar,Bari iyo Sanaag[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasime Guud Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal ayaa Kormeer guud ku sameeyay xarumaha Wasaaradda ee Gobolada Karkaar, Bari iyo Sanaag.

Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa kor u qaadida hannaanka maamulka iyo tayaynta shaqada Wasaaradda Maaliyadda ee gobolada Dowladda Puntland.

Agaasimuhu intii uu Kormeerkan shaqo ku guda jiray waxaa uu la kulmay Madaxda iyo shaqaaalaha ka howlgala xarumaha Wasaaradda,waxana uu heley warbixino la xiriira shaqooyinka socda, waxana uu kula dardaarmay in ay gutaan waajibaadka saaran ee shaqo.

Ugu Danbayn Agaasime Guud Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal ayaa Bulshada Puntland ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay si dowladduna u gudato Waajibaad keeda shaqo ee dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland