Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo u kuur gelaya habsami u socodka shaqada Wasaaradda Maaliyada ayaa maanta kormeer ku tagey xarumaha dakhliga.

Xarunta dakhliga oo dhawaan shaqo bilowday ayaa Agaasimuhu halkaasi kula kulmay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda, isaga oo mid mid u booqday xafiisyada kala duwan, wuxuuna shaqaalaha iyo madaxdaba kula dardaarmay inay sii labba jibaaraan shaqooyinka kaladuwan gaar’ahaan dardargelinta dakhliga.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa sidoo kale kormeer shaqo ku tagey kantaroolada Laacdheere iyo Bixin ee magaalada Garowe, isaga oo shaqaalaha goobahaas ka hawlgala iyo ciidamada ilaalada cashuuraha faray inay adkeeyaan ilaalinta cashuurta Dowladda.

Kormeerkan shaqo ee Agaasimaha waxaa ku weheliyey Agaasime ku-xigeenka Waaxda Furdooyinka, Xisaabiyaha gobalka Nugaal iyo maamulayaasha dakhliga gobalka Nugaal.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland