Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Daah-furay Shirweynaha 1aad ee Bangiyada iyo Maaliyadda[Sawirro]
GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ayaa daah-furay Shirweynaha 1aad ee Bangiyada & Maaliyadda Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, xubnaha labad Gole ee dowladda iyo Madaxda Bankiga Dowladda Puntland aayaa kulan ka qaybgalay.
Shirweynahan oo kii ugu horreeya ee Bangiyada iyo Maaliyadda Puntland oo Puntland ka qabsooma ayaa waxaa soo agaasimay Bangiga Dowladda Puntland.
*Cinwaanka shirka sanadkan:*
➡️ *”Helitaanka iyo Ka Mid Noqoshada Adeegyada Maaliyadeed ee Puntland”*
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa:
– Sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada maaliyadeed ee laga heli karo Puntland
– Doorka bangiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda
– Horumarinta ka mid noqoshada dhaqaale ee bulshooyinka
Shirkan waa mid muhiim u ah kobaca dhaqaalaha Puntland iyo dhisidda nidaam maaliyadeed oo loo dhan yahay.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland























GARACAD – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, oo ay weheliyaan wefti ka socday labada gole ee dowladda Puntland, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xafiisyada cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo laga hirgeliyey gudaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiir ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Axmed Maxamed Bulxan, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu qabtay aaladda fogaan-aragga, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta iyo kor-u-qaadista dakhliga canshuuraha berriga.
Baahintii 
GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamud, oo ay weheliyaan Wasiiradda Wasaaradaha Caafimadka, Xannaanada Xoolaha, Kaluumaysiga, Waxbarashadda, Wasiirudowlaha Madaxtooyadda, Wasiir kuxigeenka howlaha guud, Maamulka Gobolka iyo kan degmada ayaa maanta xariga kajaray dhismaha Cusub ee Kastamka dhexe ee Gaalkacyo Wasaaradda Maaliyadda G/Mudug.
Baahintii 
GAROOWE – Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor oo ku jira kormeerka xarumaha Hay’adaha Dowladda, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiinta Wasaaradda. 


























BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane
Baahintii 
GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan, ayaa maanta shir foogaan arag ah la yeeshay maamulka guud ee furdooyinka Dowladda Puntland.
Shirkan waxaa Wasiir Ku-xigeenka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Axmed Jaamac Jowle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga, Agaasimaha waaxda Furdooyinka iyo dhammaan madaxda kastamyada Puntland.
Intii uu socday kulanka, waxaa laga dooday arrimo muhiim ah oo la xiriira dardargelinta hannaanka dakhliga, hirgelinta nidaamyo casri ah oo xisaabeed, iyo sidii looga hortagi lahaa bar-muudada.
BOOSAASO – Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland ahna kusimaha Xisaabiyaha Mudane Cali Jaamac Gaashaan oo ay weheliyaan Mas’uulyiin ka tirsan ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Xisaabaadka ayaa hawlo shaqo u gaaray Magaaladda Boosaaso.


GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyey Kulan Foogaan arag ah oo looga hadlay ololaha kicinta dakhliga canshuraha berriga ee gobolada Puntland.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda, kaas oo looga hadlay kor uqaadida dakhliga, xoojinta wada-shaqeynta u dhaxaysa Ciidanka Ilaalada Cashuuraha iyo Wasaradda Maaliyadda.





















