Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee gobolka Mudug[Sawirro]
GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay ka socdaan dib-u-dhis casri ah oo lagu horumarinayo xafiisyada Wasaaradda.
Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ismaacil Cabdinuur Geesey oo ay wehelinayaan Maamulaha Canshuuraha Gobolka Mudug, Cabdullaahi Khaliif Cabdille, iyo Maamulaha Canshuuraha Berriga ee Gobolka, Maxamuud Cabdullaahi (Kadawe) ayaa Wasiirka halkaasi ku soo dhoweeyey.
Wasiirka ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta, gaar ahaan meelaha ay ka socdaan howsha dhismaha iyo casriyeynta, waxaaana warbixin ku saabsan horumarka shaqada wasiirku ka dhageystay maamulka iyo injineerada fulinaya dhismaha.
Wasiir Maxamed Faarax ayaa bogaadiyey dadaalka maamulka gobolka iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta kaabayaasha xarunta, wuxuuna sheegay in dib-u-dhiska xarumaha maaliyadda uu qeyb weyn ka yahay kobcinta hufnaanta iyo daahfurnaanta nidaamka maaliyadeed ee Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland


BOOSAASO – Xarunta Cashuuraha Berriga waxaa kormeer shaqo ku tagay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiirudowlaha Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa maanta shir muhiim ah kula yeeshay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe ee magaalada Garoowe.






























BOOSAASO – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo howlo shaqo u jooga magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekedda.
Baahintii 
GAROOWE – Kulan uu shir Gudoomiyey Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Shiikh Ciid uuna weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarah ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaaradda. 
GAROOWE- Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa xarunta Golaha Baarlamaanka kula kulmay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka.
Baahintii 
GAROOWE – Madaxda Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
GAROOWE – Maxdada Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland maanta u gudbiyey Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2024.

























EYL – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Baahintii 
BOOSAASO – Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Mohamed Bulhan oo howlo shaqo u jooga Boosaaso ayaa kormeeray xarunta
#Baahintii