Working Hours: Saturday - Thursday: 8:00AM - 3:00PM

+25290-7724437

+25290-7724401

Email Us

info@mof.plstate.so

Office Location

Upper Hill-Garowe, Government Zone

Category: Uncategorized

1 (1)

Wasaaradaha Maaliyadda Iyo Shaqada&Arrimaha Bulshadda Puntland oo ka wada hadlay Dardargelinta dakhliga[Sawirro]

GAROOWE- Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Puntland ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaynta labada Wasaaradood iyo dardargalinta dakhliga.

Kulanka waxuu ka dhacay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaana shir guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Odawaa.

Mas’uuliyiinta labada Wasaaradood ayaa ka wada hadlay dardargalinta cashuurta Shaqaalaha iyo ogolaanshaha shaqaalaha (work permit) Ajaaniibta wadanka ka shaqeya.

Intii uu socday kulanka ayaa sidoo kale looga wada-hadlay xoojinta iyo iskaashiga labada Wasaaradood kuna aadan in si wadajir ah looga wada shaqeeyo soo xeraynta Dakhliga.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan labada Wasaaradood.

Ugu dambayn shirkan ayaa waxaa la isku af gartay dhammaan waxyaabhii looga wada hadlay ee ku aadanaa dardargalinta dakhliga, waxana la isla qaatay in shaqadda dakhli kicinta loo bilaabo si deg deg ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (14)

Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland oo Daah-furay Tababar ku saabsan nidaamka maaraynta Maaliyadda ee FMIS[Sawirro]

GAROOWE- Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan ayaa hoolka shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda ugu daah-furay tababar ku aadan nidaamka maaraynta Maaliyadda PL-FMIS.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaraada Gargaarka iyo musiibooyinka iyo hay’adda maaraynta xogta Biyaha iyo dhulka.

Nidaamka maaraynta Maaliyadda PL-FMIS, ayaa salka ku haya siyaasadda Dowladda ee ah sidii loo samayn lahaa Khasnadda Midaysan Ee Dawladda (Treasury Single Account).

Xisaabiye ku xigeenka Guud ayaa ku dhiiri geliyey kasoo qayb galayaasha Wasaaradaha iyo Hay’adaha sida ay lagama maarmaan u tahay samaynta Khasnada Midaysan ee Dawladda (TSA) iyo in Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay aad uga faa’iidaystaan nidaamka Pl-FMIS oo waxbadan ka taraya qaab xisaabeedka Wasaarad iyo Hay’ad walba si dhakhsa ahna u hirgaliyayaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (30)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Daahfurtay Nidaamka TSA ee Hay’adaha Dowladda[Sawirro]

GAROOWE – Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdillahi Ismaaciil ayaa hoolka shirarka ee Wasaaradda Maaliayadda ugu daah-furay 7 Wasaaradood iyo 3 hay’adood nidaamka maaraynta Maaliyadda PL-FMIS.

Kulanka Xisaabiyaha waxaa ku weheliyey ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimayaasha Wasaaradaha, agasimayaaasha maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradaha iyo Ha’adaha tobanka ah, khubarada xafiiska xisaabaadka guud iyo gudugii gacanta ku hayay hirgalinta barnaamijkan.

Barnaamika hirgelinta nidaamka Khasanada Midaysan (TSA)waxaa loo qabay Wasaaradda iyo Hayadaha kala ah-
1. Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka
2. Wasaaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda
3. Wasaaradda Wasaaradda Amriga iyo DDR ta
4. Wasaaradda Wasaaraddda Hawlaha guud iyo Guriyeynta
5. Wasaaradda Warfaafinta
6. Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada
7. Wasaaradda Ganacsiga
8. Hayadda Xuquuqul Insaanka
9. Hay’adda la dagaalanka AIDS ka
10. Hay’adda Maaraynta Xogta Biyaha iyo Dhulka.

Nidaamka maaraynta maaliyadda PL-FMIS, ayaa salka ku haya siyaasadda Dawlada ee ah sidii loo samayn lahaa Khasnadda Midaysan Ee Dawladda (Treasury Single Account).

Xisaabiyaha Guud ayaa ku dhiiri geliyey kasoo qayb galayaasha Wasaaradaha iyo Hay’adaha sida ay lagama maarmaan u tahay samaynta Khasnada Midaysan ee Dawladda (TSA) iyo in Wasaaradaha iyo Hay’aduhu ay aad uga faa’iidaystaan nidaamka oo waxbadan ka taraya qaab xisaabeedka Wasaarada iyo Hay’ad walba si dhakhsa ahna u hirgaliyayaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More