Category: Uncategorized

IMG_8009

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Wasaaradda Hawlaha Guud oo Daahfuray Barnaamijyo dib u habeyn loogu sameeyay Cashuur bixinta[Sawirro]

GAROOWE – Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa lagu Daah-furay barnaamijyo cusub iyo kuwa dib u habayn lagu sameeyey kuwaas Labada wasaarood ee Maaliyadda iyo hawlaha Guud wada fulinyaan.

Adeegyada laso kordhiyey waxay kala ahaayeen.

1- Adeeg fududaynta cashuuraha Gaadiidka oo laga dhigay 24/7 in laga heli karo goobaha labadda wasaaradood.

2- cashuur bixinta oo la fududeeyey taas oo lasoo kordhiyey lambar gaaban oo cashuur bixiyuhu lacagta ku bixin karo goob kasta uu joogo isaga oo qaraacayaa  *444# ee shirkadda Somtel.

3- in cashuur bixiyuhu u bixin karo cashuurta wada marista 3 biloodle, lixbiloodle iyo Sannadle.

4- aqoonsiga lahaanshaha gaadiidka oo hada laga dhigay kaar (card) halka horay u ahaa warqad.

5-  shatiga gaari wadida (Driver Licences) oo lagu so kordhiyey shati cusub oo bajajta leedahay sidoo kale waqtiga Shatiga guud laga dhigay 5 sano halka uu horay ka ahaa 3 sanno.

6- cashuurta furdooyinka ee gaadiidka bidix la aha loo sameeyey cashuur dhimis dhan 30% .

7- Dib u habayn lagu sameeyey qaabka wada shaqaynta Macradda iyo wasaaraddaha iyadoo adeegooda la fududeeyey.

8- in la dardargalin doono adeegyadda ilaalinta nabadgalyadda wadooyinka oo ay ka dhalanayaan ganaaxyo cidii ku xad gudubta anshaxa nabadgalyadda wadooyinka.

Adeeggan oo ah  nidaam casri ah oo la jaan qaadaya dunida kaas oo fududaynyaa u adeega  bulshada.

Daah-furkan barnaamijkan waxaa ka qaybgalay Wasiirku Xigeennada iyo Agaasimayaasha labada wasaaradood ee Maaliyadda Hawlaha guud, Taliska Ciidamada iLaalada cashuuraha iyo ilaaladda wadooyinka, agaasime ku xigeenka PHA, xeer ilaaliye ku xigeenka, agaasime guud ku xigeenka dakhliga, madaxda bangiyadda, shiradaha isgaarsiinta, shirkadda PIITECH iyo Mas’uulyiin kale.

Intii ay Munaasabaddan ay socotay ayaa halkaasi laga soo jeediyey khudbado ay mas’uuliyiintii ka qaybgalay ku amaaneen in barnaamijkan uu yahay mid muhiim ah.

Ugu dambeyntii Labada Wasiir ku xigeen ee Labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo hawlaha Guud ayaa kaarkii ugu horreeyay gudoon siiyey mawaadin adeegadan loo qabtay.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
1 (11)

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan lagu dardargelinayo Dakhliga gudaha(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa maanta shir guddoomiyay kulan lagu dardargelinayo kobcinta dakhliga gudaha.

Kulankan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Waaxda Furdooyinka, Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Berriga, iyo madaxda qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta iyo horumarinta nidaamka dakhliga, gaar ahaan cashuuraha berriga Guud ahaan Gobolada dalka.

Intii uu socday kulanku, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo hirgelin lahaa cashuuraha berriga ee aan weli si buuxda loo qaadin qiyo sidii loo xoojin lahaa kuwa hore u jiray si loo kordhiyo wax-soo-saarka dakhliga dowladda.

Waxana jiray doodo muhiim ah oo lagu soo bandhigay kulanka kuna aadanaa Hirgelinta cashuuraha beriga ee aan weli laqaadin iyo xoojinta cashuurahii horay u hirgeliy si loo helo dakhligii Dowladdu dalka ku hor marin lahayd.

Ugu dambeyntii, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa bogaadiyay dadaalka madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda isagoo ku adkeeyay in la sii laba jibbaaro shaqada lana xoojiyo hirgelinta cashuuraha berriga si loo gaaro koboc dhaqaale oo waara oo dalka lagu horumarin karo.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
1 (14)

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u furay Shaqaalaha Wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsiga(Sawirro)

GAROOWE – Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Abdiqaadir Axmed Xaashi uuna weheliyo Agaasimaha waaxda Cashuuraha beriga Cabdulqaadir liibaan ayaa maanta daah-furay tababar loo qabtay 22 shaqaale ah kana hawlgala Wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsiga.

Ujeeddada tababarkan ayaa ah in la xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha ka shaqeeya arrimaha canshuuraha, waxaana uu salka ku haya fahamka xisaab-xirka dakhliga, habraacyada canshuur ururinta iyo sida saxda ah ee ay shaqaaluhu ula macaamilayaan ganacsatada marka ay soo gudbinayaan xisaab-xirkooda.

Agaasimaha Guud ku-xigeenka Dakhliga ayaa ku boorriyey shaqaalaha ka qaybgalaya Tababarkan in ay si buuxda uga faa’iideystaan kana dhaliyaan aqoon wax ku biirin doonta tayeynta adeegyada canshuuraha iyo kor u qaadidda dakhliga dowladda.

Tababarkan waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Maaliyadda waxaana lagu qabtay Jaamacadda PSU ee Garowe.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
1 (15)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo la Kulmay Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa xarunta Golaha Baarlamaanka kulan kula yeshay Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland

Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir ku-xigeenka Maaamulka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tiraan Wasaaradda.

kulankan intii uu socday mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa guddiga la wadaagay xog ku aadan miisaaniyadda, iyagoo ka jawaabay su’aalo muhiim ah oo ay xildhibaannadu ka weydiiyeen ajandaha.

Ugu dambeyn, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaaradda sida ay uga soo qeyb galeen kulanka, iyo doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan diyaarinta miisaaniyadda sannadka 2026.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_5606

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Bilaha ee kala War-qaadashada Xisaabiyaasha gobolada dalka[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Ku-simaha Xisaabiyaha guud ee Dawlada Puntland, ahna Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud Mudane Caali Jaamac Gaashaan Iyo Agaasime Ku-xigeenka guud ee Dakhliga Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa gudoomiyey kulanka billaha ee kala war-qaadashada Xisaabiyeyaasha gobalada Iyo madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan oo ay sidoo kale ka qayb-galeen Agaasimaha waaxda cashuuraha Beriga, saraakiisha xisaabaadka guud Iyo dakhliga ayaa u qabsoomay hab fogaan arag ah (Zoom) waxaana xooga lagu saaray wax yaabaha ka qabsoomay qaladaadkii uu baaristii ugu danbaysay kusoo bandhigay Hantidhawrka guud ee Dawlada Puntland, gaar’ahaan dhanka Dakhliga.

Xisabiyeyaasha gobalada ayaa madaxda sare ee Wasaaradda usoo bandhigay talaabooyinka ay qadeen Iyo wax yaabaha u qabsoomay ee ay  ku saxeen habka qabashada Iyo xaraynta Dakhliga Dawlada, waxayna tilmaameen inay isbadel weyn Ku sameeyeen habkii Dakhli xaraynta Dawlada.

Ku-simaha Xisaabiyaha guud ee Dawladda Iyo agaasime guud ku-xigeenka dakhliga ayaa dhankooda qiray horumarka laga sameeyey dakhliga, waxayna ku gubaabiyeen Xisaabiyeyaasha gobalada inay sii labba jibaaraan shaqada ayna xooga saaraan kor joogtaynta Iyo ilaalinta shaqooyinka dakhli qabasho ee ka socda goobaha dakhliga, waxayna balan qaadeen inay fududayn doonaan wax yaabaha dhankooda Ku aadan oo ay kamid tahay tababaro dhawaan loo furi doono Shaqaalaha gobalada.

Wasiirka WasaaraddaMaaliyadda mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo Kulanka Soo xiray ayaa Xisaabiyeyaasha gobalada ku aamanay dadaalka shaqo ee muuqda, wuxuuna ugu baaqay inay sii xoojiyaan dadaalka ayna u kala war qaadan doonaan si bille ah si Loo ogaado hadba wixii qabsoomay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5577

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada iyo Dakhliga[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay hormarinta shaqada iyo dardargelinta dakhlig gobolka.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Maamulaha cashuuraha beriiga, Agaasime Ku-xigeenka Furdooyinka, Mas’uulyiin ka tirsan

internail auditka Wasaaradda iyo saraakiisha ilalada canshuuraha.

Mas’uuliyiinta Kulanka ka qaybgalay ayaa Agaasimaha guud la wadaagay shaqooyiinka socda, Guulaha laga gaaray iyo caqabadaha jira ee ubahan in la xaliyo.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa masuuliyiinta internail auditka Wasaaradda faray in ay siiwadaan baarista sax naashaha Dakhliga maalinlaha ah ee soo xerooda ayna muujiayaan dadaal dheeri.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa Mas’uuliyiinta Cashuuraha beriga iyo saraakiisha ilaalada cashuuraha ku booriyay in muhimada la saaro kor uqaadida dakhliga cashuuraha berriga oo ah mid muhiim u ah dakhliga dalka lana abuuro ilo dakhli oo kale

Ugu danbayn shirkan ayaa lagu kala qaatay awaamiir ku aadan xoojinta shaqada iyo kor uqaadida dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5560

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee gobolka Mudug[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay ka socdaan dib-u-dhis casri ah oo lagu horumarinayo xafiisyada Wasaaradda.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ismaacil Cabdinuur Geesey oo ay wehelinayaan Maamulaha Canshuuraha Gobolka Mudug, Cabdullaahi Khaliif Cabdille, iyo Maamulaha Canshuuraha Berriga ee Gobolka, Maxamuud Cabdullaahi (Kadawe) ayaa Wasiirka halkaasi ku soo dhoweeyey.

Wasiirka ayaa  kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta, gaar ahaan meelaha ay ka socdaan howsha dhismaha iyo casriyeynta, waxaaana warbixin ku saabsan horumarka shaqada wasiirku ka dhageystay maamulka iyo injineerada fulinaya dhismaha.

Wasiir Maxamed Faarax ayaa bogaadiyey dadaalka maamulka gobolka iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta kaabayaasha xarunta, wuxuuna sheegay in dib-u-dhiska xarumaha maaliyadda uu qeyb weyn ka yahay kobcinta hufnaanta iyo daahfurnaanta nidaamka maaliyadeed ee Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5539

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Cashuuraha Berriga Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Xarunta Cashuuraha Berriga waxaa kormeer shaqo ku tagay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle.

Agaasimaha waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maamulaha Canshuuraha Berriga Gobolka Bari, Taliyaha Ilaalinta Canshuuraha Gobolka Bari iyo Saraakiisha Canshuraha Beriga.

Kulan uu Agaasimahu la qaatay Mas’uuliyiinta Cashuuraha beriga ayaa looga wada-hadlay qiimaynta iyo kor u qaadista dakhliga canshuuraha berriga ee Gobolka Bari, iyadoo laga eegayo ogaanshaha hawlaha Dakhliga ee Socda.

Sidoo kale kulankan ayaa lugu falanqeyey halka ay marayaan ilaha dakhliga hadda jira, gaar ahaan canshuuraha ay bixiyaan mulkiilayaasha gaadiidka ee laga qaado canshuurta 3biloodlaha ah iyo ganacsiyada kala duwan ee Magalada Bosaso

Intii uu socday kulankan ayaa la isla qiray in ay jiraan ilaha canshuuraha qaarkood oo aan si buuxda loo qaadin, loona baahan yahay in la gaaro Yoolalka Dakhli ee u dagsan Wasaradda Maaliyadda Gobolka Bari.

Agaasimaha ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda faray inta lagu guda jiro  ololaha canshuuraha in Ganacsatada iyo bulshada kalaba loo dhimriyo, si wanagsan-na loola dhaqmo, iyadoo la raacayo nimaadyada iyo habraacyada Canshuraha Dowladda Puntland oo siinaya muwaadiniinta xaquuqdooda aas-aasiga ah in aan wax loo gaysan, mar walbana laga codsado in ay gacan siiyaan saraakiisha ku hawlan canshuraha Dowladda.

Ugu dambayn tii kulanka ayaa la isla qaatay in si joogto ah loo qabto kulamo lagu wacyi gelinayo Bulshada iyo Ganacsatada Magaalada Bosaso, kuwaas oo lagu fahansiinayo bixinta Canshuraha iyo la shaqaynta saraakiisha ku hawlan ururinta Canshuraha Dowladda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5458

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda xarunta dhexe ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirudowlaha Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa maanta shir muhiim ah kula yeeshay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe ee magaalada Garoowe.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray isla xisaabtan ku aaddan hawlaha shaqo ee Wasaaradda, kor u qaadista hufnaanta adeegyada ay bixiso, iyo sidii loo dardargelin lahaa waajibaadka shaqo ee horyaalla xilligan shaqaalaha.

Wasiirudowlaha ayaa la wadaagay shaqaalaha muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta joogtada ah, isla xisaabtanka hufan, iyo ka shaqeynta horumar waara oo lagu gaarsiiyo Wasaaradda heerar cusub. Wuxuu sidoo kale xusay in waajibka shaqaalaha uu yahay mid qaran, loona baahan yahay in si hufan, daacadnimo leh, iyo masuuliyad sare ku dheehan tahay loogu adeego bulshada Puntland.

Dhanka kale, Wasiirku wuxuu tilmaamay in Wasaaradda Maaliyaddu ay dadaal xooggan ku bixinayso kor u qaadista dakhliga, horumarinta nidaamyada maaliyadeed ee casriga ah, iyo tayeynta shaqaalaha si loo gaaro yoolalka Dowladda Puntland.

Shirkan waxaa ka qaybgalay Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland,

Agaasime Ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimayaasha waaxyaha iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5444

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekadda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo howlo shaqo u jooga magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekedda.

Agaasimaha ayaa booqaday goobaha ay ka socdaan shaqada dejinta badeecadaha ay wadaan Doonayaha, maraakiibta iyo shaqada dakhliga ee ay gacanta ku hayso Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo horumarinta nidaamyada casriga ah ee canshuuraha dowladda Puntland.

Intii uu Agaasimaha guud ku sugnaa Dekedda Bosaso, waxaan si gaar ah diiradda u saaray hannaanka maamulka dakhliga, habraacyada farsamo ee ay isticmaalaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, iyo sida nidaamyada cusub ee canshuur ururinta loogu adeegsado kor u qaadista wax-soo-saarka iyo dakhliga dowladda.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ayaa bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan shaqaalaha dekedda oo shaqadoodu tahay mid socota labada gelinba, taasoo muujinaysa dadaalka iyo waxtarka dekeddu u leedahay kobcinta dhaqaalaha Puntland.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah istaraatijiyadda guud ee dowladda Puntland ee lagu horumarinayo ilaha dakhliga, iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyad casri ah iyo xoojinta kartida shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda kormeerkan waxaa ku weheliyey Maamulaha Furdooyinka gobolka Bari, Agaasime ku xigeenka Furdooyinka, Taliyaha Dekedda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More