Working Hours: Saturday - Thursday: 8:00AM - 3:00PM

+25290-7724437

+25290-7724401

Email Us

info@mof.plstate.so

Office Location

Upper Hill-Garowe, Government Zone

Category: Uncategorized

IMG_3937

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer ku sameeyay Xafiisyadda kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ay waheliyan Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Kormeerka ayaa ahaa wax ka ogaanshaha habsami u socodka shaqada iyo qalabayn kala duwan oo lagu sameeyey xafiisyada xarunta dhex ee Wasaradda Maaliyadda iyo xarumaha kale.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa madaxda la wadaagay  in lagu guuleystay Qalabaynta  Xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda Xarunta dhexe, Xarunta Dakhliga iyo intooda badan Gobolada inta dhamana la qalabayn doono.

Madaxda Xafiisyada ayaa Wasiirka la wadaagay shaqooyiinka ay wadaan iyo dadaalkooda shaqo, waxayna Madaxda Wasaaradda oo uu hoggaaminaayo Wasiir Maxamed Faarax uga mahadceliyeen qalabaynta iyo horumarinta agabka kale ee xafiisyada Wasaaradda lagu sameeyey.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyey Qalabaynta iyo isbadalka horumarineed ee lagu sameeyey Xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda waxana uu Madaxda iyo shaqaalaha u sheegay in laga sugaayo dakhligii lagu difaaci laha dalka laguna hormarin lahaa.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3871

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dawladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay  weheliyaan Wasiir Ku-xigeenada Wasaaradda  iyo Agaasimaha guud ayaa kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe iyo gobalada Nugaal Iyo Sool.

Kulan waxaa ka soo qayb galay Agaasime guud Ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Ku-simaha Xisaabiyaha guud ee Dawladda ahna Xisaabiye Ku-xigeenka guud, Agsimayasha Waaxyaha iyo Xisaabiyayaasha Gobolada, Nugaal Sool iyo Sanaag.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Wasiirka siiyey warbixin balaaran oo la xiriirta xogta guud ee shaqaalaha iyo dadaal kooda shaqo.

Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Maaliyadda  ee Maamulka iyo Dakhliga oo halkaasi ka hadlay ayaa shaqaalaha faray in siwada jir ah looga shaqeeyo horumarinta dakhliga guud ee dalka iyo ilaalinta nidaamka shaqo galka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud  ayaa shaqaalaha iyo madaxda faray in shaqooyinka Wasaarada lasii labba jibaaro maadama uu wadanku Ku jiro difaaca ajaaniibta argagixisada ee Puntland ku soo duushay, si gaarana xooga loo saaro kordhinta dakhliga.

Dhinaca kale Wasiir Maxamed Faarax ayaa shaqaalaha Wasaaradda kala hadlay inay qaataan doorkooda la xiriira garab istaaga ciidamada difaaca Puntland ee dhiigooda u daadinaaya badbaadinta ummadda Soomaaliyeed ee cadowga shisheeye argagixisada ahi kusoo duulay.

Shirkan ayaa  ka mida shirarka joogtada ee iska warqabka madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqaala weynaha WasaaraddaMaaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3812

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda..

Kulankan waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda, ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Madaxda Wasaaradda la wadaagay warbixin ku aadan Shaqooyinka hortebinta leh ee horumarka laga gaaray, heerka dakhliga iyo dadaallada ay wadaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu.

Intii uu socday kulankan ayaa lagu soo bandhigay xogo kala duwan oo ku aadan kor u qaadista dakhliga, abuurista ilo dakhli iyo soo dhowaynta cashuur bixiyaasha Puntland oo leh mudaan gaara.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyey xogaha ku aadan shaqooyinka horumarka laga sameeyey waxaana uu Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay xoojinta shaqada iyo dardargelinta dakhliga xili dalku dagaal kula jiro argagixiso soo duushay dhaqaale badan oo dalka lagu Difaacona Dowladdu ubaahan tahay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Read More
IMG_2185

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Guddiga Shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Guddiga Goobta shaqada Wasaraadda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan shaqada lagu saxaayo la qaatay Xisaabiyaha, Xisaabiye ku-xigeenka, Maamulayaasha Cashuuraha Berriga iyo Kastamka iyo Khasnajiga labada Gobol ee Sanaag iyo Haylaan ee Puntland.

Waxaa Shir Guddoomiyey kulanka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weheliyaan Guddiga Goobta shaqada Wasaraadda.

Kulanka ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna qayb ka ahaa sixidda  shaqada Wasaaradda iyo la xisaabtanka mas’uuliyinta heer gobol si horumar looga sameeyo lana saxo caqabadaha dhanka shaqada ah loona hirgaliyo talo soo Jeedinadii xafiiska Hantidowrka Gudaha Wasaaradda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka Shiray Dakhliga gobolka Mudug[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weheliyaan Guddiga Goobta shaqada Wasaraadda ayaa kulan la yeeshay Xisaabiyaha, Maamulaha Furdooyinka, Maamulaha Cashuuraha Beriga iyo Khasnajiga ee Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug.

Kulanka ayaa ku aadanaa saxida shaqada dakhliga gobolka Mudug oo hory warbixin uga soo gudbiyeen Madaxda Hantidhowrka Gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka intii uu socday ayaa Agaasimaha guud iyo Guddiga Goobta shaqadu waxaa ay halkaasi ku soo bandhigeen sida ugu haboon ee loo horumarin karo shaqooyinka dakhli ee gobolka, goob joogna ay ka ahaayeen mas’uuliyiinta Wasaaradda ee gobalka Mudug.

Ugu dambayn shirkan yaa lagu saxay dhammaan qaladaadkii horay loo soo badhigay, Agaasimaha guudna uu kula dardaarmay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka mudug in ay muujiyaan hufnnaan shaqo iyo horumarinta adeegyada bulshada loo hayo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (16)

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo Shir la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda ee xeebaha Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir guddoomiyey kulan ay la yeesheen Shaqaalaha Wasaaradda ee ka howlgala gobolada xeebaha Puntland.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga, Agaasimaha Waaxda Furdooyinka iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uulyiin Wasaaradda ee ka hawl gala Xeebaha ayaa Madaxda Wasaaradda la wadaagay shaqooyiinka cashuuraha, goobaha ay ka shaqeeyaan,Dakhliga soo xerooda iyo caqabadaha jira una baahan in la xaliyo.

Ugu dambayn Wasiirku xigeenka Dalkhliga ayaa mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobaladda Xeebaha ka hawal gal kula dardaarmay dadaal shaqo iyo dardargelinta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka qaybgalay Shirka Guddiga Farsamo ee kor u qaadista nafaqada iyo sugnaanta cunada[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa maanta ka qayb galay Shirka Guddiga Farsamo ee kor u qaadista nafaqada iyo sugnaanta cunada oo lagu qabtay Madaxtoyada Puntland, waxaana ka soo qayb galay Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha.

Shirka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu kordhinayo wax soo saarka cunada iyo nafaqada Puntland.

Waxaana lagu falanqeeyey sidii loo xaqiijin lahaa mudnaanta istiraatiijiyadeed, loona xallin lahaa caqabadaha jira, waxaana la isla qaatay qodobo cad oo lagu horUmarinayo dagaalka ka dhanka ah cunno yarida iyo nafaqo-xumada.

Read More
1 (1)

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo uga mahadcelisay Baarlamaanka Puntland Ansixinta Miisaaniyadda July-December 2024[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay Gollaha Baarlamaanka Dowladda Puntland uga mahad celinaysaa Ansixinta Miisaaniyadda Lixda bilood ee (July ilaa -December) 2024.

Miisaaniyadda ay maanta Golahu ansixiyeen ayaa dhan $207,009,112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun,boqol labo iyo toban Dollar).

Dhowaan Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa horgeeyey Gollaha Baarlamaanka Miisaaniyadda Lixda bilood ee (July-December) 2024. akhris dheer iyo doodo ka dibna Gollahu maanta ay ansixiyeen.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Dakhliga Iyo Miisaaniyadda[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland ayaa yeeshay kulan uu shir guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Guddoomiyaha hHanti-dhowrka Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimayaasha waaxyaha iyo Mmas’uulyiin kale.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa ilaalinta dakhliga iyo ku dhaqanka Miisaaniyadda Dowladda ee ay maamulaan Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu.

Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda la wadaagay xog ku aadan wada shaqaynta labada dhinac si loo helo hufnnaan shaqo.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Punland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa sheegay in ay muhiim tahay ilaalinta hantida ummadda, ka Wasaarad ahaana ka go’an tahay ku dhaqanka Miisaaniyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Airpor-ka Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Kormeerka shaqo ee Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, Maamulaha furdooyinka gobolka Bari iyo mas’uuliyiinta kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Maamulaha Kastamka Garoonka ayaa Wasiirka ku soo dhoweeyey Kastamka, waxaana uu Maamulahu xog ka siiyey Wasiirka shaqooyinka maalin laha ah ee ay wadaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu kuna aadan cashuurista badeecadaha ka dhoofaya kana soo dega Garoonka ee ay wadaan Duulimaadyadu.

Wasiirka iyo mas’uulyiinta kale ee Wasaaradda ayaa booqday Xafiisyada Kastamka Wasaaradda iyo qaybaha kale ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Ugu dambayn Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay xoojin shaqada iyo kor uqaadida dakhliga, bulshada cashuur bixiyaha ahna la soo dhoweeyo.

Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More