Mas’uuliyiinta labada Wasaaradood ayaa ka wada hadlay dardargalinta cashuurta Shaqaalaha iyo ogolaanshaha shaqaalaha (work permit) Ajaaniibta wadanka ka shaqeya.
Intii uu socday kulanka ayaa sidoo kale looga wada-hadlay xoojinta iyo iskaashiga labada Wasaaradood kuna aadan in si wadajir ah looga wada shaqeeyo soo xeraynta Dakhliga.
Shirka waxaa ka soo qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan labada Wasaaradood.
Ugu dambayn shirkan ayaa waxaa la isku af gartay dhammaan waxyaabhii looga wada hadlay ee ku aadanaa dardargalinta dakhliga, waxana la isla qaatay in shaqadda dakhli kicinta loo bilaabo si deg deg ah.