Category: News

1 (1)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo daah-furay Tababar ka qaybgalayaan Wasaaradaha iyo Bangiga Dhexe(Sawirro)

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Ahamed Jama Jowle, ayaa daah-furay tababar ay ka faa’iidaysanayaan shaqalaha toddoba wasaaradood iyo Bangiga Dhexe ee Dowladda Puntland, kaas oo ka furmay Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda.

Tababarkan waxaa bixinaya koox khubaro ah (team) oo horay loogu soo tababaray adeegsiga hababka casriga ah ee falanqaynta dhaqaalaha (Economic Models)

Ujeeddada ugu weyn ee tababarkan ayaa ah xoojinta awoodda hay’adaha dowladda ee ku aaddan ururinta, falanqaynta iyo adeegsiga xogaha dhaqaale, si go’aannada iyo qorsheyaasha dowladda ay u noqdaan kuwo ku dhisan xog sax ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Ahmed Jama Jowle oo ka hadlay munaasabadda daah-furka tababarka, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay hay’adaha dowladda isagoo xusay in adeegsiga xog sax ah iyo falanqayn cilmiyeed ay saldhig u tahay horumar dhaqaale.

Tababarkan ayaa la qorsheeyay in uu socdo muddo laba maalmood ah waxaana ka qaybgalaya xirfadlayaal ka kala socda wasaaradaha iyo Bangiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiskii Wacyigelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda

Read More
1 (1)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Boggaadisay Dadaalka iyo Ka qaybgalka Shirkii Agaasimayaasha Hay’adaha Dowladda(Sawirro)

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxay bogaadinayaan dadaalka iyo ka-qaybgalka Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha Qorsheynta iyo Dabagalka ee Hay’adaha Dowladda Puntland.

Mas’uuliyiintan ayaa si guul leh u soo gabagabeeyay tababar socday muddo shan (5) maalmood ah kaas oo diiradda lagu saarayay xoojinta, horumarinta iyo tayeynta nidaamka dowladnimo,qorsheynta iyo dabagalka hay’adaha Dowladda Puntland.

Dowladda Puntland waxay adkeynaysaa muhiimadda ay leeyihiin tababarro noocan ah, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya tayeynta awoodda shaqaalaha, xoojinta isla xisaabtanka iyo hirgelinta hannaanka maamul ee casriga ah ee Dowladda.

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
1 (18)

Munaasabadda Xuska Maalinta Maaliyadda Furdooyinka Adduunka oo lagu qabtay Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Puntland, H.E. Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Maxamed Baari Shire ayaa shahaado sharafyo iyo bilado kala duwan gudoonsiiyey qaybaha kala duwan ee ku suntan horumarka dakhliga dawladda.

Wasiirka ayaa dhiirigelin iyo mahadnaq isugu daray:

  1. Ganacsatada doorka weyn ku leh kobaca dhaqaalaha.
  2. Shaqaalaha & Masuuliyiinta muujiyey hufnaan iyo shaqo wanaag.
  3. Ciidanka Turbotaayrada iyo Booliska ee u taagan sugidda amniga iyo nidaamka furdooyinka.

Hambalyo dhammaan shaqaalaha iyo hawlwadeenada Furdooyinka Puntland!

#WorldCustomsDay #Puntland #CustomsDay2026

Read More
1 (1)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo la shiray Ganacsatada gobolka Bari(Sawirro)

BOOSAASO – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa caawa shir la yeeshay ganacsatada gobolka Bari.

Shirka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir ku-xigeenka Maaamulka Wasaaradda, Agaasime Guud Ku-xigeenka Maamulka, Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga, Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Bari, Ganacsatada Gobolka Bari iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Kulan kan ayaa qayb ka ah shirkii xalay kaas oo ganacsatadu codsadeen si loo helo faham guud oo ku saabsan cashuurta GST oo qaadisteeda ay wado Wasaaradda Maaliyaddu.

Intii uu shirku socday waxaa la is weydiiyay su’aalo guud oo ku saabsan fahamka cashuurta GST taasi oo mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu faham xoogan ka siiyeen Ganacsatada Gobolka Bari.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Farax Maxamuud ayaa u mahadceliyay ganacsatada sida ay u muujiyeen rabitaankooda fahamka guud isaga oo ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyan bixinta canshuuraha ku waajibay ganacsigooda.

Ugu dambeyntii kulan ayaa ku soo dhamaaday isfaham waxaana la sameeyey guddi farsamo oo ka kooban Wasaaradda Maaliyadda iyo ganacsatada waxana ka wada shaqayn doonaan hormarinta canshuuraha.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
1 (70)

SAWIRADA Qaybta 2aad ee Madasha Ka Qaybgalka Muwaadiniinta ee Miisaaniyadda 2026.

BOOSAASO – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku qabatay Madasha Ka Qayb-galka Muwaadiniinta ee Miisaaniyadda 2026.

Read More
1 (7)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Boosaaso ku qabatay Madasha Ka Qaybgalka Muwaadiniinta ee Miisaaniyadda 2026(Sawirro)

BOOSAASO – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku qabatay Madasha Ka Qayb-galka Muwaadiniinta ee Miisaaniyadda 2026.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Wasiir-dowlaha Wasaaradda,

Agaasime-ku-xigeenka Maamulka, Agaasime-ku-xigeenka Guud ee Dakhliga, maamulka gobolka, ganacsatada, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda iyo maamulka gobolka.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in bulshada loo soo bandhigo qorshaha miisaaniyadda sannadka 2026 isla markaana looga jawaabo su’aalaha iyo talooyinka ka imanaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo ganacsatada.

Madaxda Wasaaradda ayaa ka jawaabay su’aalo kala duwan oo laga weydiiyay miisaaniyadda.

Madashan ayaa fursad u siisay muwaadiniinta iyo ganacsatada inay si toos ah u weydiiyaan su’aalo ku saabsan sida cashuuraha iyo dakhliga dowladda loo maareeyo.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
1 (3)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo la kulmay Garsoorka sarre ee Puntland(Sawirro)

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta kulan la yeeshay Garsoorka Sare ee Puntland.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka qayb galay

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayna weheliyaan Wasiirku xigeenka dakhliga iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxa Garsoorka.

Ujeedka kulanka ayaa wada shaqaynta hay’adaha Maaliyadda iyo kuwa garsoorka Intii uu kulanku socdayna waxaa si qoto dheer looga wada hadlay arrimo la xiriira habraacyada wada-shaqaynta labada dhinac gaar ahaan Fulinta canshuha lacageed ee ku waajibay dacwadaha iyo in la

kormeero gobollada.

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii amba-qaado wada shaqaynta joogtada ah lana xoojiyo isku-xirka hay’adahan si loo gaaro hannaan shaqo oo wanaagsan iyo koror Dakhli.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Read More
1 (9)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Xariga ka Jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda gobolka Mudug(Sawirro)

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa soo qabanqaabiyey Xafiiska Xisaabiyaha Gobolka Mudug, oo uu hoggaamiyo Mudane Ismaaciil Cabdinuur Geesay, kaas oo faahfaahin ka bixiyey habka loo dhisay xarunta cusub, baahiyaha jira iyo sida dhismahan casriga ahi u kordhinayo tayada adeegyada Wasaaradda. Waxa uu uga mahadceliyay Wasiirka Maaliyadda sida uu u garab istaagay hirgelinta mashruucan muhiimka ah.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaasha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, Gudoomiyasha Degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, masuuliyiinta Garsoorka,masuuliyiinta Dowladda Puntland ee gobolka, Nabadoonada iyo Ururka haweenka

Madaxda ka hadlay munaasabadda furitaanka, ayaa si weyn u bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda doorka muhiimka ah iyo shaqada ay ka hayso horumarinta dakhliga iyo maamulka Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa dhankiisa ku ammaanay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda dadaalka ay muujiyeen, isagoo xusay in horumarka la gaadhay uu yahay mid ku imanaya wada-shaqayn, isla xisaabtan iyo maamulka hufan. Wasiirku wuxuu adkeeyey in aan wax horumar ahi suurtagal noqon karin la’aanta nidaam maamul iyo shaqo wadajir ah, sigaara Wasiirku wuxuu ugu mahadceliyay Xisaabiyaha Gobolka Mudug Ismaaciil C/nuur Geesey uu ku tilmaamay masuul hawlkar ah Wasaaraddana kusoo kordhiyay hormar balaaran.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ay ka go’an tahay hirgelinta dhismaha hay’adaha Dowladda taas oo qayb ka ah siyaasadda guud ee Madaxweynaha ee lagu horumarinayo adeeggada dowliga ah.

Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay wado mashaariic dhisme oo kale duwan oo ka socda xarumo kala duwan oo Wasaaradda ah iyadoo horay u hirgelisay dhismayaal kale oo muhiim u ah shaqada Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Gobolka ayaa bilad sharaf gudoonsiiyay Shirkadda Tawer oo hirgalisay dhismahaan.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
1 (1)

Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland oo Ansixiyay Qabyo-qoraalka Miisaaniyadda Sannadka 2026(Sawirro)

GAROOWE – Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa maanta ansixiyay Qabyo-qoraalka Miisaaniyadda Sanadeedka 2026,

Fadhiga Golaha waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha.

Ajandaha fadhigan waxa uu ahaa ka shaqaynta Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, oo saldhig u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed iyo adeegyada aasaasiga ah ee Dowladda Puntland.

Ugu dambeyntii Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyay Ansixinta Qabyo-qoraalka Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, waxaana oggol u codeeyay 43 mudane, waxa diiday 1 mudane, halka 1 mudane uu ka aamusay.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland uga mahadceliyay Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2026.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
1 (15)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Baarlamaanka horgeysay Miisaaniyadda sannadka 2026[Sawirro]

GAROOWE –  Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland uuna hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Golaha Baarlamaanka horgeeyay Miisaaniyadda sanadka 2026.

Kulanka Golaha waxaa Shir guddoomiyey

Guddoomiyaha Golaha Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid uuna weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud.

Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Wasaarada Maaliyada ayaa Golaha ka hor Jeediyey Miisaaniyadda Sanadeedka 2026 ee Wasaaraddu soo diyaarisay.

Golaha oo dhageysatay hadal jeedintii Wasiirka ee Miisaaniyadda 2026 ayaa ugu dambeyntii lagu wareejiyay Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland, si ay u dhammaystiraan akhrinta,dibna ugu soo celiyaan Golaha 4 December 2025.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More