Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Maamulayaasha Dugsiyada Waxbarashadda gobolka Nugaal [Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle, uuna waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Juba ayaa  shir muhiim ah la yeeshay Maamulayaasha Dugsiyada Waxbarashada gobolka Nugaal. Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Liibaan Cismaan, Maamulaha Canshuuraha Bariga […]

Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Olole Nadaafadeed ka bilaabay xarunta Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxaa maanta ka bilaamay Ollole nadaafadeed oo ay Hoggaaminaayaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud  iyo Wasiirudowlaha Wasaaradda Mudane Maxamuud Shiikh Ciid. Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Xisaabiye Ku-xigeenka Dowladda, Agaasimayaasha waaxyaha, Madax qaybeedyada iyo guud ahaan Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa si wada jir […]

Wasaaradda Maaliyadda ,Wasaaradda Howlaha Guud & Gaadiidka iyo Taliska Ciidanka Booliska oo Shir ku yeeshay xarunta Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda, Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo Taliska Ciidamada Booliska oo kulan ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda. Kulanka ayaa looga  wada hadlay sidii looga hortagilahaa Xad gudub yada Wadooyinka ka dhaca iyo in wadayaasha gaadku helaan Sharciyada Wadida Gaadiidka siwada jirina looga shaqeeyo. Shirkan waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda,Wasiirka Wasaaradda Hawlaha […]

Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekedda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Mudane Eng. Cabdilaahi Ismaaciil Maxamed, ayaa kormeer shaqo ku tagay Dekadda Boosaaso, halkaasi oo uu indho-indheyn ku sameeyey howlaha maalinlaha ah ee soo dejinta iyo dhoofinta badeecadaha, isla markaana kulan la yeeshay masuuliyiinta Kastamka Dekadda, Wasiirku waxa uu kastamka ku wareejiyey gaari cusub oo fududeynaya howlaha shaqo. […]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo soo xiray Kulanka Horumarinta Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa soo xiray kulanka horumarinta dakhliga oo loo qabtay mas’uuliyiinta gobollada xeebaha Puntland. Waxaa Wasiirka kulanka ku wehliyey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir-ku-xigeenka Dakhliga iyo Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland, kuwaas oo soo bandhigay warbixino iyo talooyin la xiriira sidii loo xoojin lahaa hannaanka […]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo qaabilay Wafti ka socday Hay’adda UNDP[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland una hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa xarunta Wasaaradda ku soo dhoweeyey xubno ka socday hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsa. horumarinta ee UNDP ee Xafiiska New York. Kulan dhex maray labada dhinac ayaa xubnaha UNDP shirka ka sheegeen in ay doonayaan sidii ay xiriir wadashaqeyn dhow […]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Daah-furay Kulanka Kor u qaadista Dakhliga Xeebaha[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa maanta daah-furay kulanka looga hadlayo kor u qaadista dakhliga xeebaha, kaas oo ka furmay xarunta dhex ee Wasaaradda Maaliyadda. Shirka waxaa goob-jooga ahaa Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Xisaabiyaha […]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeeray dhismaha Laamiga ee isku xira Birta-dheer ilaa Kalabayr[Sawirro]

BIRTA-DHEER – KALABAYR Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminaayo ayaa kormeer ku tagay dhismaha laamiga isku xira Birta-dheer ilaa Kalabayr, oo dhererkiisu yahay 20 km. Inta badan shaqada jidkan muhiimka ah ayaa la soo gabagabeeyey, iyadoo 18.5 km oo laami ah si rasmi ah loo dhammaystiray. Kormeerka waxaa […]

Wasaaradaha Maaliyadda,Arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga oo Shir ku yeeshay xarunta Maaliyadda ee Garoowe[Sawirro+Muuqaal]

GAROOWE – Waxaa magaalada Garowe ka dhacay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Puntland. Mas’uuliyiinta Kulankan ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Agaasimayaasha Guud ee Sadexdan Wasaaradood. Kulanka ayaa diiradda […]

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Kulan ay soo qaban qaabiyeen Madaxda Bangiga Dowladda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaraddda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdullaahi Ismaacil Maxamed oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabiyeen Madaxda Bankiga Dowladda Puntland. Kulankan waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Bankiga dowladda Puntland, Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga, Agaasimaha Guud ee Bankiga, […]