Dowladda Puntland ayaa Joojisay Nidaamkii Furdooyinka Soomaaliya ee (SOMSAT) – Sawirro

BOOSAASO – Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiir kuxigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka qayb galay

kulan lagu horumarinayo shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime Guud kuxigeenka Dakhliga, Xisaabiye kuxigeenka Dowaldda, Kusimaha Agaasimaha Furdooyinka,Sharciyaqaanka Wasaaradda,

Maamulaha iyo Maamule kuxigeenka furdooyinka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Ujeedka Kulanka ayaa ahaa in La joojiyo Nidaamka Furdooyinka Soomaaliya ee loo (SOMSAT) ee ganacsatadu ku soo dalban jirtay cadeynta alaabta, Waxaana loo guuray habka computerized ah oo u gaar ah Dowladda Puntland loona yaqaan (PUNTCAS).

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay in Xafiiska ICT-gu uu ku guulaystay in uu dhamays tiray Nidaamkii ay gacnacsatu ku soo dalban jirtay markii ay badeecadooda ay cashuuranayaan ayna gaar u yahay dowlada Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland