Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo howlo shaqo ku tagay Qardho[Sawirro]

QARDHO – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Abdirizak Dirie ayaa safar shaqo ku tagey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee gobolka Karkaar Yasiin Cabdi Boos ayaa aAaasimaha ku soo dhoweeyey xarunta Wasaaradda Maaliyadda, waxana uu Agaasimuhu booqday xafiisyada iyo shaqooyinka cashuuraha ee halkasi ka socda.
Xisaabiyaha ayaa Agaasimaha xog ka siiyey goobaha dakhli ee gobolka ayna ka mid yihiin Al Xamdulilaah, Garoonka diyaaradaha iyo Kantaroolka magaalada Qardho shaqaduna ay socoto
Kulan ay wada yeesheen Agaasimaha iyo Madaxda Wasaaradda ee gobalka ayaa looga hadlay dar-dar gelinta dakhliga, wax ka ogaanshaha baahiyaha agabka shaqada iyo sidii wax Looga qaban lahaa.
Ugu dambayn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jawle ayaa shaqaalaha u sheegay in xooga la saaro soo xerayta cashuuraha Berriga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland