Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Xisaabiyayaasha gobolada[Sawirro]

GAROOWE – Ku-simaha Xisaabiyaha guud ee Dawlada Puntland, ahna xisaabiye ku-xigeenka guud Mudane Cali Jaamac Gaashaan oo uu weheliyo agaasime ku-kuxigeenka dakhliga Cabdiqaadir Axmed Xaashi ayaa kulan la qaatay xisaabiyayaasha gobolada.

Kulankan oo ay ka qayb galeen agaasimayaasha waaxyaha Cashuuraha beriga iyo Furdooyinka ayaa looga hadlay dardargelinta shaqooyinka kala duwan oo ay ugu mudan tahay dardargelinta Dakhliga.

Xisaabiyaha guud ee Dawlada Cali Jaamac Gaashaan ayaa xisaabiyeyaasha kula dardaarmay xoojinta nidaamka xisaabaadka goboladda si gaar ah kharash bixinta iyo dakhli xaraynta.

Agaasime ku-xigeenka guud ee dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa dhankiisa xiaaabiyeyaasha u sheegay inay masuuliyad dheeri ah iska saaraan ilaalin, kor joogteynta iyo kor u qaadista dakhliga wuxuuna balan qaaday inay si dhow ula shaqayn doonaan masuuliyiinta gobalada.

Xisaabiyeyaasha gobalada ayaa dhankooda balan qaaday inay qaadi doonaan waajibaadka la faray ayna sida ay tahay uga soo bixi doonaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland