Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Guddiga Shaqada Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Guddiga Goobta shaqada Wasaraadda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan shaqada lagu saxaayo la qaatay Xisaabiyaha, Xisaabiye ku-xigeenka, Maamulayaasha Cashuuraha Berriga iyo Kastamka iyo Khasnajiga labada Gobol ee Sanaag iyo Haylaan ee Puntland.
Waxaa Shir Guddoomiyey kulanka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weheliyaan Guddiga Goobta shaqada Wasaraadda.
Kulanka ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna qayb ka ahaa sixidda shaqada Wasaaradda iyo la xisaabtanka mas’uuliyinta heer gobol si horumar looga sameeyo lana saxo caqabadaha dhanka shaqada ah loona hirgaliyo talo soo Jeedinadii xafiiska Hantidowrka Gudaha Wasaaradda.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland