Maamulaha Kastamka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo xilka la wareegay[Sawirro]

BOOSAASO – Maamulihii hore ee Kastamka Wasaaradda Maaliyadda ee garoonka Diyaaradaha Boosaaso Muxyadiin Cabdulqaadir Maxamuud ayaa xilka kastamka maanta ku wareejiyey Maamulaha cusub Xasan Maxamed Farax.

Maamulaha cusub ayaa dhowaan waxaa soo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa goob joog ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, ku xigeenka Xisaabiyaha guud ee Dowladda,

Maamulaha Furdada Boosaaso, Agaasime K/xigeenka furdooyinka, Sharci yaqaan Wasaarada Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Wasaradda Maaliyadda ee gobolka Bari.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil Sheekh Adduun ayaa sheegay in xilku yahay meerto Maamulihii horena ku ammaanay shaqada uu bulshada u soo qabtay Maamulaha cusub u rajeeyey in ilaahay ufudeeyo xilka loo igmaday.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland.