
Madaxda Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo xilka la wareegay[Sawirro]
GAROOWE – Wasiir ku-xigeenka Maaamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo ku-xigeenkiisa ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilalkooda.
Munaasabadda xil wareejinta oo lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddiga xil wareejinta Wasiir ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimeyaasha waaxyaha iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta ayaa madaxda cusub siiyay warbixin guud oo ku saabsan habraaca iyo hannaanka shaqo ee Wasaaradda.
Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaradda Maaliyadda Puntland Mudane Ahmed ayaa si diirran ugu soo dhoweeyay madaxda cusub Wasaaradda.
Madaxii hore ee xilalka wareejiyay ayaa iyaguna ka warbixiyay shaqooyinkii ay qabteen, muddadii ay xilka hayeen iyagoo u mahadceliyay dhammaan shaqaalaha Wasaaradda ee la soo sheqeeyey.
Dhankooda, madaxda cusub ayaa u mahadceliyay masuuliyiintii ka horreysay waxayna bogaadiyeen shaqooyinka ay soo qabteen isla markaana ballanqaadeen inay sii xoojin doonaan howlaha shaqo ee xarumahaasi Wasaaradda.
Baahintii
Xafiiska Waycy-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland













































