Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo shir la qaatay Madax ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya[Sawirro]

ADDISABABA – Guddiga Dardargelinta Ganacsiga Dowladda Puntland oo sii wada booqashadoodii rasmiga ahayd ee ay ku joogaan magaalada Addis Ababa ayaa shirar kala duwan kula yeeshay Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka Dowladda Itoobiya oo uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo Hay’adda Kastamyada dalka Itoobiya.

Shirarka waxaa kale oo goob joog ka ahaa Qunsulka Guud ee Dowladda Ethiopia u fadhiya Dowladda Puntland.

Shirarka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya.

Waftiga Puntland iyo Madaxda Hay’adda Kastamyada Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa isla gartay in la dedejiyo hawlgalinta Kastamka Tuurdibi iyo goobaha kale ee laysaga gudbo.

Shirarka ay Guddigu la yeesheen Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka (Transport and Logistics Ministry) iyo Madaxda Kastamyada ayaa ku soo dhammaaday is faham iyo in si degdeg loo bilaabo iskaashi dhinacyo badan leh, una faa’ideynaya danaha horumarineed ee Puntland iyo Itoobiya.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland