
Madaxda cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo maanta loo dhaariyay xilka Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa loo dhaariyay xilka Wasaradda Maaliyadda.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ayaa goob joog ka ahaa dhaarinta xubnaha Gollaha Wasiiradda ee xilka loo dhaariyey oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Wasaaradda Maaliyaddu.
Wasiirka iyo Wasiir Kuxigeenada Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa dhowaan la wareegi doona shaqada Xafiisyada Wasaaradda hadii alle idmo.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland






![Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Boggaadiyay Shaqooyinka la qabtay Todobaadkan[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/03/1-5-2-150x150.jpg)
![Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo u Hambalyeeyay madaxda cusub ee Wasaaradda[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/03/432237006_805381241615180_7265829885835366560_n-150x150.jpg)

