Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar usoo xiray Ciidanka Ilaalada Cashuuraha gobolka Nugaal[Sawirro]

GAROOWE – Ciidamada ilaalada Cashuuraha ee gobolka Nugaal oo muddo ku jiray tababar ayaa ugu dambayn loo soo gabagabeeyey.

Tababarkan waxaa Ciidamada u soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ay weheliyaan Hoggaanka  Ciidamada ilaalada Cashuuraha Puntland iyo Taliyaha Ciidamada ilaalada cashuuraha gobolka Nugaal.

Ciidamada ayaa qaatay aqoon ku aadan ilaalinta cashuuraha iyo lama caamilka bulshada Cashuur bixiyaha ah ee Puntland, waxaana loo dhamaystiray inta badan agabkii ay ku hawl gali la haayeen.

In la tayeeyo Ciidamada ilaalada cashuuraha ayaa qayb ka Siyaasadda ay u dajiyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ee ku aadan tayeynta ciidamada ilaalada cashuuraha Dowladda Puntland.

Waxaa xusid mudan in ay socdaan qorshayaal ku aadan tayaynta Ciidamada ilaalada cashuuraha ee gobolada kala ee Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland