Madaxda W/Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka oo Kulmay[Sawirro]
GAROOWE- Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa xarunta Golaha Baarlamaanka kula kulmay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka.
Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha guud ee Dawladda, Agsaaimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda,Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda iyo saraakiil kale oo ka tirsan Xafiiska Xisaabaadka ayaa Guddiga la kulamay.
Kulankan wuxuu qayb ka yahay hawlaha kormeerka, baarista iyo hubinta ee Guddigu ku sameynayo Xisaab-xirka, si waafaqsan waajibaadka uu Dastuurku farayo iyo Qodobada Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la helo xog dhab ah oo lagu qiimeeyo hannaanka maamul iyo maaliyadeed ee lagu fuliyey miisaaniyadda sanadkaas.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland