Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka qaybgalay Shirka Guddiga Farsamo ee kor u qaadista nafaqada iyo sugnaanta cunada[Sawirro]
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa maanta ka qayb galay Shirka Guddiga Farsamo ee kor u qaadista nafaqada iyo sugnaanta cunada oo lagu qabtay Madaxtoyada Puntland, waxaana ka soo qayb galay Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha.
Shirka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu kordhinayo wax soo saarka cunada iyo nafaqada Puntland.
Waxaana lagu falanqeeyey sidii loo xaqiijin lahaa mudnaanta istiraatiijiyadeed, loona xallin lahaa caqabadaha jira, waxaana la isla qaatay qodobo cad oo lagu horUmarinayo dagaalka ka dhanka ah cunno yarida iyo nafaqo-xumada.