
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo la Kulmay Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Puntland[Sawirro]
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa xarunta Golaha Baarlamaanka kulan kula yeshay Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland
Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir ku-xigeenka Maaamulka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tiraan Wasaaradda.
kulankan intii uu socday mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa guddiga la wadaagay xog ku aadan miisaaniyadda, iyagoo ka jawaabay su’aalo muhiim ah oo ay xildhibaannadu ka weydiiyeen ajandaha.
Ugu dambeyn, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaaradda sida ay uga soo qeyb galeen kulanka, iyo doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan diyaarinta miisaaniyadda sannadka 2026.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
















![Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Baarlamaanka horgeysay Miisaaniyadda sannadka 2026[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2025/12/1-15.jpg)

