Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda..
Kulankan waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda, ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Madaxda Wasaaradda la wadaagay warbixin ku aadan Shaqooyinka hortebinta leh ee horumarka laga gaaray, heerka dakhliga iyo dadaallada ay wadaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu.
Intii uu socday kulankan ayaa lagu soo bandhigay xogo kala duwan oo ku aadan kor u qaadista dakhliga, abuurista ilo dakhli iyo soo dhowaynta cashuur bixiyaasha Puntland oo leh mudaan gaara.
Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyey xogaha ku aadan shaqooyinka horumarka laga sameeyey waxaana uu Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay xoojinta shaqada iyo dardargelinta dakhliga xili dalku dagaal kula jiro argagixiso soo duushay dhaqaale badan oo dalka lagu Difaacona Dowladdu ubaahan tahay.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.