Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowlaha Puntland oo maanta Baarlamaanka u gudbiyay Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2024[Sawirro]

GAROOWE – Maxdada Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland maanta u gudbiyey Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2024.

Fadhiga Golaha waxaa Shir Gudoomiyey Guddoomiyaha Golaha Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid uuna weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirudowlaha Wasaaradda, Xisaabiyaha guud ee Dawladda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo Mas’uulyiin kale ayaa ka qaybgalay gudbinta Xisaab-xirka ee Golaha Baarlamaanka la hor geeyey.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Golaha ka hor jeediyey khudbad la xiriirta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2024,

Xisaab-xirka ay soo diyaariyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu wareejiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland.

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha ee Golaha Golaha ayaa lafilayaa in ay Xisaab-xirka ku samayn doonaan akhrinta labaad. Waxaa la filayaa inay Golaha dib ugu soo celiyaan 29-ka Luulyo 2025, si dood iyo go’aan rasmi ah loogu gaaro sida mas’uuliyiinta Goluhu sheegeen.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland