Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka Shiray Dakhliga gobolka Mudug[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weheliyaan Guddiga Goobta shaqada Wasaraadda ayaa kulan la yeeshay Xisaabiyaha, Maamulaha Furdooyinka, Maamulaha Cashuuraha Beriga iyo Khasnajiga ee Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug.

Kulanka ayaa ku aadanaa saxida shaqada dakhliga gobolka Mudug oo hory warbixin uga soo gudbiyeen Madaxda Hantidhowrka Gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka intii uu socday ayaa Agaasimaha guud iyo Guddiga Goobta shaqadu waxaa ay halkaasi ku soo bandhigeen sida ugu haboon ee loo horumarin karo shaqooyinka dakhli ee gobolka, goob joogna ay ka ahaayeen mas’uuliyiinta Wasaaradda ee gobalka Mudug.

Ugu dambayn shirkan yaa lagu saxay dhammaan qaladaadkii horay loo soo badhigay, Agaasimaha guudna uu kula dardaarmay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka mudug in ay muujiyaan hufnnaan shaqo iyo horumarinta adeegyada bulshada loo hayo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland