Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku yimid xarunta Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Madaxweyne Kuxigeenka, ahna Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan[Karaash] ayaa kormeer shaqo ku yimi xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha waxaa xarunta ku soo dhoweeyey Madaxda Wasaaradda, waxaana Madaxweynaha xog dheeri laga siiyey hawlaha shaqo ee baaxada wayn leh oo Wasaraddu wado ee dhanka horumarinta Dakhliga iyo tayaynta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey shaqooyinka socda, waxana uu madaxda kula dar-daarmay in ay utaalo shaqo adag taasi oo ah soo xerayta dakhliga guud ahaan dalka lagu maamuli lahaa.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland