Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Hon. Ahmed Abdirizak Dirie [Sawirro]

GAALKACYO – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane  Hon Ahmed Abdirizak Dirie ayaa safar shaqo ku tagay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka waxaa Agaasimaha iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda ku soo dhoweeyey Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobalka iyo mas’uuliyiin kale.

Agaasimaha Guud ayaa kormeeray shaqaalaha xarunta dhexe, Kastamka Garoonka diyaaradaha iyo goobaha dalkhiga ee gobolka.

Kulan ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa looga wadahadlay heerka dalkhiga gobolka, horumarka laga sameeyey, baahiyaha jira iyo kor u qaadista dakhliga.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesay ayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda xog dheeri ah ka siiyay hannaanka shaqo ee dakhliga.

Ugu danbayn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane  Hon Ahmed Abdirizak Dirie ayaa madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda uga mahadceliyey dadaalka shaqo ee ay bulshada u hayaan,waxana uu kula dar-daarmay in la sameeyo dadaal dheeri.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland