Wasiir Dowlaha Maaliyadda Dowladda Puntland oo xilalka u kala Wareejiyay madaxda Xisaabaadka gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil “Sheekh Adduun” ayaa xilka u kala wareejiyay Xisaabiyaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee gobolka Bari Maxamed Cali Axmed oo xilka uu kala wareegayay Xisaabiyihii hore Maxamed Maxamuud Cali.

Munaasabada oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda ee gobolka Bari ayaa waxaa goobjoog ahaa Xisaabiye Kuxigeenka Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan ,Agaasime kuxigeenka Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda Cali Siciid Ciise iyo Maamulaha Bankiga Boosaaso Muuse Aw xuseen.

Madaxdii ka qayb gashay munaasabadda xil wareejinta ayaa Xisaabiyihii hore uga mahad celiyey shaqada uu bulshada u soo qabatay Xisaabiyaha Cusub alle uga baryey in uu xilka loo igmaday u fududeeyo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland